Gudoomiyaha Xisbiga UCID Oo Lacag Dhan 5000 Dollar Ku Wareejiyay Guddida Af-Garad

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa maanta lacag dhan 5000 Dollar ku wareejiyay Guddida Horumarinta Af-Garad.

Lacagtan ayaa ahayd tii uu Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ka ballan qaaday Xafladii Wan-qasha Degmada Cusub ee Gumburaha Ee Gobolka Hawd.

Waxaana madashi lacagta lagu wareejinayay ku sugnaa Af-hayeenka Guud Ee Xisbiga UCID Maxamed Xasan Shabaash, Gudoomiyaha Guddida Af-Garad Ee Beelaha Arab Dr Maxamed Warsame Ducaale iyo Xubno ka mid ah Guddida Af-Garad.

Gudoomiyaha Guddida Af-Garad Dr Maxamed Warsame ayaa Uga mahad-naqay Gudoomiye Faysal sida uu u fuliyay Ballanqaadkii uu sameeyay, isagoo ku amaanay doorka uu Gudoomiyuhu ka qaato horumarka dalka.

img_8748

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.