Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ee WADDANI oo Hambalyadda Ciidda U Diray Shacbiga Baaq Nabadeedna Soo Jeediye

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaah Maxamed Cirro ayaa shacbiga Somaliland u diray dhambaal hambalyo sidoo kale waxa uu baaq u diray dadka walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Dharkeyn-geeyo ee gobolka Sool.

Gudoomiye Cirro oo ugu horayn guud ahaan shacbiga Somaliland ugu hambalyeeyey munaasibadda Ciddal Fidriga ayaa yidhi, “Waxaan Ilaahay uga baryayaa dhamaan muslimiinta iyo shacbiga Somalilandba inuu ilaahay dambi dhaaf iyo naxariis siiyo, waxaan jecelahay in aan u qadimo hambalyadda ciidda ee sanadkan oo aan leeyahay shacbiga Somaliland dhamaantii ciid mubaarak”, sidaasi waxaa yidhi gudoomiye Cirro.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa dhanka kale waxa uu baaq u diray shacbiga Somaliland ee Sool waxaanu yidhi, “in badda lagu soo celiyo deegaanka, waxaan u baaqayaa salaadiinta, ugaasyadda iyo wax garadka dhamaantood iyo odoyaasha. Xukuumaddana waxaan ugu baaqayaa inay waajibkeeda ka guddato oo nabadaynta ku soo celiso deegaanka”.

Halkan ka daawo warkaas:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.