Gudoomiyaha Maxkamada sare ee dalka iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo dhagax dhigay Xabsi cusub

Wuxuu sheegay Bashiir Maxamed Jaamac in arrintaan ay sahleyso in Maxaabiista Xabsiga dhexe ay ka baxaan ciriirigii ay ku jireenn horayna baahidooda wax badan looga qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed oo ka hadlay dhagax dhiga Xabsiga cusub ayaa sheegay in ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay Xabsiga cusub ay tahay inuu Culeyska ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar.

“ Ujeedada ugu weyn ee Xabsigan laga leeyahay waxaa weeye in culeyska uu ka fududeeyo Xabsiga dhexe ee Xamar in dadka Xabsiga ku jira ay helaan qolal baaxad leh oo nadaafadiisana wanaagsan tahay iyo meelo ay wax ku bartaan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed.

Ugu danbeyntii,Guddoomiyaha Maxkamada sare Baashi Yuusuf Axmed ayaa bogaadiyay kuna tilmaamay iney tahay wax lagu farxo in boqolkiiba lixdan dadka waxa dhisaya ay yihiin Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,keliyana la siiyay qalabkii Xabsiga lagu dhisayay.

 

Xigasho: Sonna

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.