Gudoomiyaha Dal-weynaha Germany ee Xisbiga Waddani Oo Hambalyo Mugle U Diray Haldoorka Reer Hargeysa Ee Cududooda Kusoo Biiriyey Xisbiga Waddani

Germany – (warsoor) – Gudoomiyaha Dal-weynaha Germany ee Xisbiga Waddani Md. Xasan Faarax Xirsi Xasan Mataan ayaa hambalyo mugle u diray Haldoorkii reer Hargeysa ee maalintii shalay cududooda kusoo biiriyey Xisbiga Waddani.
Qoraal kooban oo hanbalyo iyo Taageero ah oo uu nasoo gaadhsiiyey Gudoomiyaha Germany ee Xisbiga Waddani. ayaa waxa uu udhignaa sidan.

” Asalamucaleykum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.ย  Waan Salaamayaa Guudahaanba Shacbiga Somaliland Gaarahaan Taageerayaasha Xisbiga Waddani. Salaan kabacdi anigoo ku hadlaya Afka Masuuliyiinta iyo Taageerayaasha Laanta Germany ee Xisbiga waddani.

Waxaan halkan uga Hambalyeynayaaย  kuna soo dhaweynayaa Masuuliyiinta iyo Haldoorka qiimaha badan iyo taageerayaashooda shalay kasoo diga rogtay Xusbul-Xaakimka Kulmiye ee kusoo biiray Xisbiga Bulshada Somaliland kubahawday ee WADDANI.
Hadaanu nahay masuuliyiinta iyo taageerayaasha germany ee xisbiga Waddani waxaanu kusoo dhaweynaynaa gacmo furan iyo qalbi furan, waxaanu sidoo kale midlamida ku qaabili doonaa taageerayaashooda qurbaha , gaarahaan germany.
Waxaanu marlabaad taageeraynaa Qudbadii Qiimaha badnayd ee Dudoomiyaha Xisbiga Ahna Musharaxa Xisbiga Waddani uu kajeediyey Munaasibadii soo dhaweynta ee uu kusheegay inaanay Hada kadib u dulqaadan doonin ee ay kafal celindoonaan haday Xukuumada iyo xisbiga kulmiye kawaan toobi waayaan falalka sharci darada iyo wixish nimada ah eey kula kacayaanย  masuuliyiinta iyo taageerayaasha iyo xafiis yada Xisbiga Waddani.
Isagoo sidoo kale Madaxweynaha qaranka u soo jeediyey inuu qaato roolkiisa ah inuu sameeyo garoon loo siman yahay oo lagu galo tartan xalaal ah.
Waxaanu sidoo kale taageeraynaa digniinta ku socota shaqaalaha iyo masuuliyiinta qaranka ee sida qaawan ugu ololaynaya awoodii iyo hantidii qaranka ee umada kadhaxaysay ee aanu jirin sharci u fasaxaya in Xisbi loogu ololeeyo Guudahaanba qudbadaa qiimaha badnayd ee dhinacyada badan taabanaysay waanu soo dhaweynaynaa waana ku taageersanahay.

Wabilaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha laanta Germany ee xisbiga Waddani
Hassan Mataan”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.