GUDOOMIYAHA CUSUB EE HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA AYAA KULLAN IS-BARASHO LA-QAATAY SHAQAALAHA HAY’ADDA

Hargaysa – (WARSOOR)- Kullanka oo ka qabsoomay Hoolka Hay’adda Shaqaalaha dawladda ayaa waxa kasoo qeyb-galay Guddoomiyaha Hay’adda, Khaalid Jaamac Qodax, Guddoomiye Ku-xigeenka Faysal Sahal Jaamac, Agaasimaha Guud Maxamed Geeddi Caynaanshe iyo Guud ahaanba Shaqaale-weynaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda.

Ugu horreyn,waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee Hay’adda ,Maxamed Geedi Caynaanshe,waxaana uu shaqaalaha ugu mahad-naqay sida wanaagsan ee ay usoo ajiibeen kullanka is-barashadda Gudoomiyaha cusub, waxaana uu kula dardaarmay inay shaqaaluhu u diyaar-garoobaan dar-dargalinta shaqadda iyo ka midho-dhallinta qorshe-sannaddeedkii 2021-ka inta ka dhimman ee aan wali qabsoomin.

Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiye Ku-Xigeenka Hay’adda Shaqaalaha, Faysal Sahal Jaamac, waxaana uu sheegay in isaga oo ku hadlaya afka Komishanka Hay’adda uu markale kusoo dhaweeynayo Guddoomiyaha Cusub Hay’adda Shaqaalaha dawladda.

Gudoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda, Khaalid Jaamac Qodax oo halkaasi ka hadlay ayaa si qoto-dheer u sharaxay nidaamka cusub ee uu rejaynayo inay shaqaalaha Hay’addu kula shaqeeyaan. Waxa uu sheegay inuu ku faraxsanyahay inuu shaqadda iyo shaqaalaha Masuulka ka ah isku-barto.

Guddoomiyaha ayaa qodobeeyay arrimaha uu muhiimadda gaarka ah siinayo,kuwaas oo kala ah;

  1. In maamul-daadejin balaadhan ay ka hir-gasho gudaha Hay’adda shaqaalaha, isla-markaasna ay yaraato awooda shaqo ee ku urursan xafiiska Guddoomiyaha.
  2. In si deg-deg ah loo aas-aaso Xafiis qaabilsan hagidda iyo jiahaynta dadweynaha adeegyadda u imanaya Xarunta dhexe, si ay u fududaato tayadda adeeg ee dadweynaha la siinaayo.
  3. Inuu kula shaqeynaayo dhammaan shaqaalaha si daacadnimo leh, oo ay ku dheehan tahay isla xisaabtan hufan, oo keenaaya in shaqada la siiyo ahmiyad weyn
  4. Inuu awood buuxda siinayo agaasime-waxeedyadda iyo madax-xafiiseedyadda, iyaguna shaqaalahooda shaqadda usoo daadajiyaan.
  5. Iyo ugu danbeyntii inuu dhisayo kalsoonidda shaqo-wadaagga ee Hay’adda dhexdeeda.

Gabo-gabaddii xubno ku hadlayay afka shaqaalaha ayaa halkaasi kasoo jeediyay talooyin ku saabsan wanaajinta nidaamka shaqada iyo u cadaalad-samaynta shaqaale-weynaha Hay’adda.