Gudida Dhaqaalaha Golaha Wakiilada Oo Kualan La Qaatay Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddi-hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiilada Somaliland ayaa kulan xog waraysi ah la qaatay wasiirada wasaradaha ganacsiga dal-xiiska iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), horumarinta maal-gashiga Maxamed Axmed Cawed.

Gudoomiye ku-xigeenka guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golaha wakiillada Somaliland Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda horumarinta maal-gashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawed uu guddida dhaqaalaha ee golahaas warbixin ka siiyay fursadaha maal-gashi ee dalka ka bannaan iyo sida ay wasaaraddaasi uga shaqayso arrimaha horumarinta maal-gashiga ee ay u xil saaran tahay.

Sidoo kale xidhibaan Obsiiye wuxuu sheegay in guuddida dhaqaalaha ee golaha wakiilladu ay kulan la qaateen wasiirka wasaaradda wasiirada ganacsiga dal-xiiska iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), iyadoo guddidu ay ka dhagaysteen warbixin ku saabsan xaaladda ganacsiga, wershadaha dalka ku yaala iyo halka uu maraayo heerka dal-xiiska Somaliland, waxaanuu intaas ku daray inuu wasiirku jawaabo ka bixiyay arrimihii ay guddidu ka waydiisahay shaqada wasaaraddaas uu masuulka ka yahay qaranka u hayso.

Ugu dambayn wasiirada wasaradaha ganacsiga dal-xiiska iyo wershadaha Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), horumarinta maal-gashiga Maxamed Axmed Cawed ayaa guddi hoosaadka dhaqaalaha ee golahaas uga mahadceliyay kulankaas is xog waraysiga ah, waxaanay wasiiradu intaas ku dareen in ay guddidaas siiyeen warbixinihii ay uga baahnaayeen ee la xidhiidhay masuuliyadda ay qaranka u hayaan.