Gudida dhaqaalaha ganacsiga iyo Maaliyada ee golaha wakiilada JSL oo kulan la yeeshay Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga

Hargeysa – (WARSOOR) – Gudida dhaqaalaha ganacsiga iyo Maaliyada ee golaha wakiilada JSL oo beryahanba gacanta ku haysay kana shaqaynaysay Odoroska Miisaaniyada qaranka ee 2023 ayaa maanta kulan la yeeshay Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Saraakiisha ugu sareysa wasaarada Arimaha Gudaha

Kulankan oo uu gudoominayay gudoomiyaha Gudida dhaqaalaha ganacsiga iyo maaliyada ee Golaha wakiilada JSL Mudane Cabdirashiid Cabdilaahi Muuse (Cagoweyne) isla markaana ay joogeen dhamaan xubnaha gudida dhaqaaluhu ayuu wasiirku faahfaahin kaga bixiyey Shaqada uu qaranka u hayo gaar ahaana odoroska Miisaaniyada 2023 ee wasaaradaas iyo meelaha ay ku kala qoondaysan tahay.

Wasiirka ayay mudanayaashu waydiiyeen suaalaha xogihii ay uga baahnaayeen ee ku saabsan ODOROSKA MIISAANIYADA WASAARADA IYO DAWLADAHA HOOSE

Waaxda Warbaahinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee
Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland