Gudida dhaqaalaha Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL oo kulan Dadweyne u qabtay qabyo-qoraalka Xeerka Shirkadaha Caymiska

Hargeysa – (WARSOOR) – Gudida dhaqaalaha Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta kulan Dadweyne u qabtay qabyo-qoraalka Xeerka Shirkadaha Caymiska.

Kulankan dadweyne oo socon doona 2 maalmood ayaa waxa ka soo qayb galay oo xubnaha gudida ku wehelinayay, Wasiirka Wasaarada Jidadka iyo Gaadiidka, Madaxda Hay’adda Caymiska, shirkadaha bixiya adeega Caymiska, Shirkadaha iyo iskaashatada lagu fulinayo Caymiska, Jaamacadaha dalka, aqoonyahan madax banaan iyo shirkado adeegyada sharciga bixiya.

Kulankan Dadweyne ayaa waxa furay oo furitaankii ka hadlay Gudoomiyaha gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Muuse Cabdilaahi (Cagoweyne) oo mahadnaq ka dib ka soo qayb galayaasha u soo jeediyey inay Xeerka wax ku soo kordhiyaan si firfircoona uga qayb qaataan isagoo tilmaamay ka gole ahaan inay masuuliyadi ka saaran tahay Dadkii na soo doortay inaanu ka qayb gelino oo ay ogaadaan Xeerarka lagu dhaqi doono aragtidoodana nagu soo biiriyaan si aanu buu yidhi u soo saarno xeerar dadka iyo dalkaba anfaca.

Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska Mudane Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa isaguna ka warbixiyey heerar kala duwan oo uu xeerkani soo maray iyo sida ay u soo saxar tireen, isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo kulankana oo uu uu waxtar iyo faaiido xeerka u yahay ka Hay’add ahaana ay mar walba si dhaw ula shaqaynayaan Golaha iyo gudiyada ay isku shaqada yihiinba.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Mudane Cabdirisaaq Atash ayaa isaguna u mahadnaqay gudida iyo golahaba isla markaana sheegay inay maanta lagama maarmaan dalka u tahay inaynu adeegyada Caymiska hir gelino oo aynaan dal ahaan ku sii socon karin sida aynu imika nahay. Waxa uu sheegay inay ka wasaarad ahaan qaban doonaan kulan khaas u ah shirkada Caymiska bixiya oo ay si adag u fatashi doonaan oo ka hubin doonaan dadka inaanay shirkadahan caymisku noqonin wax iska Ganacsi ah ee ay shirkado adag oo adeegaas bixin kara ay yihiin.

Waxa ka hadlay oo kale wakiilo u hadlay ka soo qayb galayaasha.

Bahda warbaahinta ee Golaha Wakiilada JSL