Guddoomiye Muuse Biixi oo ka Qaybgalay Xidhitaanka Tartannada Ramadaanta ee Garoomada Xawaadle iyo Aw-Aadan

Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE oo koobab guddoonsiiyey Kooxaha tartannadan ku guulaystay + Muuse Biixi oo orod uu ku wareegay garoonka Xawaadle kaga mahadceliyey soo dhawayn loo sameeyey

Hargeysa – (warsoor ) – Guddoomiyaha KULMIYYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay xidhitaanka tartamo kubadda cagta ah oo bisha Barkaysan ee Ramadaan ka socday garoomada Xawaadle iyo Aw Aadan oo ku kala yaal degmooyinka 26-ka June iyo Gacan-libaax ee Hargeysa siday ukala horreeyaan.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ay wehelinayeen xubno ka mid ah saraakiisha KULMIYE iyo masuuliyiinta Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, waxay socdaal ku tageen garoonka Aw Aadan galabta oo lagu soo gunnaanadayey tartan halkaasi lagu qabtay bishii Ramadaan oo lagu xusayey Marxuum Sawirqaade Maxamed Daa’uud oo ka tirsanaa telefishanka HCTV oo shil baabuur ku geeriyooday sannadkii hore, waxaana halkaas ku dhaweeyey dhallinyaro iyo dadweyne kale oo u soo daawasho tagay ciyaartii ka socotay, iyadoo guddoomiyuhuna halkaas ku guddoonsiiyey kooxihii ciyaarayey dirays uu xisbiga KULMIYE ugu talogalay oo ay dhallinyaradu si weyn u soo dhawaysay.

tartanka Xawaadle iyo Aw_017

Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf oo hadal kooban u jeediyey dhallinayarada, ayaa ku dhiirrigeliyey inay kor-u-qaadaan xirfadooda kubadda cagta, isla markaana ka dheeraadaan belwadaha xunxun ee mustaqbalkooda saamaynta taban ku yeelan kara.

Xoghayaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE Md. Mustafe Maxamed Waxdad, ayaa isaguna si hufan da’yarta ugu daldaaray inay muujiyaan xirfadooda, isla markaana isku duubni iyo wada-jir guud muujiyaan.

tartanka Xawaadle iyo Aw_008

Intaas kadib Guddoomiyaha iyo madaxda wehelinaysay waxay booqdeen garoonka kubadda cagta ee Xawaadle oo ay ka socotay ciyaartii u dambaysay ee tartankii bisha Ramadaanta, waxaanna halkaasi si wayn ugu soo dhaweeyey kumanaan dadweynihii daawanayey ciyaartaasi ahaa oo sacabka iyo sawaxan isla oogsaday isla ilbidhiqsiyadii ugu horreeyey ee uu guddoomiyuhu garoonka soo galay.

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka jawaabayey soo dhawaynta ballaadhan ee lagu qaabilay, ayaa ku soo wareegay garoonka xawaadle isagoo orod guclayn ah hormaray taarabuunka afarta dhinac ee garoonka, iyadoo daawadayaashii halkaas ku sugnaa muddo daqiiqado ah kala jari waayeen sacab iyo sawaxan ay ku muujinayeen sida ay ula dhacsan guddoomiyaha iyo waliba taageerada ay u hayaan.

Guddoomiyaha waxa uu intaas kadib ka mid noqday oo uu badhtanka u fadhiistay dad fara badan oo daawanayey ciyaarta kama dambaysta ah oo ay ku tartamayeen labada kooxood ee HCTV iyo BARRE CONSTRUCTION, kuwaas oo soo bandhigay ciyaar aad u qurux badan oo aan waxba la iskula hadhin, taas oo aakhirkii ku gebogabowday 1 : 0 ay guushu ku raacday kooxdii ku ciyaaraysay magaca HCTV.

tartanka Xawaadle iyo Aw_015

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo hadal kooban ka jeediyey halkaasi, waxa uu yidhi, “Dhammaantiin waad guulaysateen, koowaad iyo labaad baad tihiin, kooxdiina kaalinta labaadna sannadka dambaad qaadi doontaan, waxaan idinku hambalyeynayaa inaad ka waantowdeen qaadkii iyo belwadihii. Ciidamada ammaanka iyo kooxaha soo abaabulayna aad iyo aad baan u hambalyeynayaan.”

Ugu dambayntii Guddoomiyaha oo wehelinayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Axmed (Dhabbeeye) waxa uu halkaasi koobabkii ay mutaysteen ku guddoonsiiyey labada kooxood, isagoo sidoo kalena abaalmarino ay tartanka ka heleen ku guddoonsiiyey ciyaaryahannadii ugu fiicnaa tartanka, qaar ka mid ah guddida garoonka iyo waliba ciidankii booliska ee ka shaqaynayey sugidda hannaanka iyo amniga garoonka intii uu tartanku socday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.