Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Soo Dhoweeyey Degmada Gar’adag Ee Gobolka Sanaag

GARADAG – (WARSOOR) – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga taladda dalka Haya ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere oo ay weheliyaan xubno ka tirsan xisbiga KULMIYE ayaa si balaadhan loogu soo dhoweeyey degmada Gar’adag ee gobolka Sanaag.

Sida uu kusoo waramaayo weriyaha Degmada Gar’adag uga soo warama wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA  Madar Sanyare ,waxa Weftigan si balaadhan degmadaas ugu soo dhoweeyey masuuliyiinta xisbiga KULMIYE ee heer gobol iyo heer degmo,xildhibaanadda Golaha degaanka iyo Wakiiladda uga sharaxan degmada Gar’adag,cuqaal,salaadiin,dhalinyaro,haween iyo hal door kale  oo kamid ah haldoorka degmada Gar’adag ee gobolka Sanaag.

Soo dhoweynta weftigan kadib waxa uu guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere xadhiga ka jaray xafiiska guud ee xisbiga KULMIYE ee degmada Gar’adag,waxaana munaasibada xadhig ka jarka hadalo kala duwan ka jeediyey xubno kamid ah cuqaasha degmada Gar’adag, dhalinyaradda degmada iyo xubno kamid ah murashaxiinta degmadaas ka sharaxan,waxaanay xubnihii halkaas ka hadlay tilmaameen in ay taageeradooda la dhinac taagan yihiin xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE, iyaga oo cadeeyey in ay soo xuleen murashaxiin xul ah oo u tartami doona Goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda Somaliland.

Waxa isna halkaas ka hadlay Badhasaabka gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan oo dadweynaha degmada Gar’adag ku booriyey in ay ilaaliyaan nabadgelyadda,madaama oo xiligan la geli doono, loona diyaar garoobi doono doorashooyinka Goleyaasha Degaanka iyo Wakiiladda Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi Dheere iyo xubno kamid ah weftigii la socday oo iyaguna dadweynaha degmada Gar’adag goob fagaare ah kala  hadlay ayaa uga mahadceliyey dadweynaha degmada Gar’adag sida balaadhan ee ay usoo dhoweeyeen.