Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad, ahna ku simaha Gudoomiyaha Golaha oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Xafiiska Ingiriiska ee Fadhigiisu Yahay Hargeisa

Hargeysa – (WARSOOR) – Waxa maanta Kulan dhex maray Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad, ahna ku simaha Gudoomiyaha Golaha Mudane Siciid Mire Faarax (Giire) iyo saraakiil ka socda xafiiska ingiriiska ee fadhigiisu yahay Hargeisa.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd is-xogwareysi ku saabsan hawlo taageero oo xafiiska ingiriisku ee hargeysa kala shaqeynayey Golaha Wakiilada tan iyo sanadkii hore, ayaa waxaa ay labada dhinac iska waraysanayeen wax u wabsoomey iyo sidii loo sii wadi lahaa hirgelintoonda hawlaha mudnaanta leh ee Golaha rabo in uu qabto sanadaha soo socda.