Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka Bakistan oo hor istaagay mooshin xilka looga qaadi lahaa Imran Khan

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Bakistan ayaa hor istaagay mooshinka kalsooni kala noqosho asagoona ku tilmaamay mid aan dastuuri ahayn.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Imran Khan, oo khudbad u jeediyay shacabka maanta oo axad ah ayaa sheegay in uu kula taliyay Madaxweyne Arif Alvi “inuu kala diro golayaasha”.

Ku dhawaaqista Ra’iisul wasaaraha ayaa timid daqiiqado kadib markii guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Qaasim Suri, oo shir guddoominayay kalfadhiga maanta, uu meesha ka saaray mooshinkii kalsooni kala noqoshada ee ka dhanka ahaa Ra’iisul Wasaare Imran Khan, isagoo ku tilmaamay mid khilaafsan qodobka 5-aad ee dastuurka dalka Pakistan oo sheegaya in daacadnimada qaranku yahay waajibaadka aasaasiga ah ee muwaadin kasta.

Dawladdu waxay ku andacoonaysaa in mooshinka kalsooni-la’aanta ah ee ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha uu ahaa “shirqool shisheeye ay maalgelisay”, iyada oo tixraacaysa ‘warqad halis ah’ oo laga helay waddan ajnabi ah oo loo soo mariyey safiirka Pakistan, oo lagu codsanayo in la rido PM Imran.

Waxaa maalmihii u danbeyay aad u kacsaneed siyaasada dalka Pakistan iyadoo magaalada islamabaad ee caasimada dalka Pakistan ay ruxayeen banaan baxyaal kala taabacsan xisbiyada mucaradka ah iyo xisbiga hada talada haya.