Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Aqalka Sare ee Soomaaliya oo Booqday Baardheere

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddoomiye ku-xugeenka 2aad  golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mowliid Xuseen Guhaad iyo wafdi ballaran uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Mudane Mowliid Xuseen Guhaad oo lahadlay Wakaaladda Wararka(SONNA) ayaa sheegay in ujeedkoodi uu ahaa u kuurgalka xaaladaha guud iyo baahiyaha bulshada,isagoo xarigga ka jaray dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo buundada degmada Baardheere oo burbur uu ka muuqdo.

“Waxaan gaarnay magaalada Baardheere,wafdi aan hoggaaminayo waxaana safarka nagu wehliyay xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xukuumadda,ujeedka wuxuu ahaa sidii aan ugu kuurgali lagayn xaaladaha deegaanka,sidoo kale daahfurka dib u dhis iyo dayactir lagu sameynayo buundada Baardheere”. Ayuu yiri Mowliid Xuseen Guhaad.

Xubnaha wafdi waxaa kamid ahaa Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal wasiir kuxigeenka Macdanta iyo Patroolka Xukuumadda Soomaaliya,waxaana wafdigan uu la kulmay maamulka degmada,qeybaha bulshada iyo saraakiisha ciidanka Qalabka sida,iyagoo ka dhageystay warbixin ku saabsan baahiyaha bulshada.

Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha buundada magaalada Baardheere waxaa bixisay dowladda Federaalka Soomaaliya,maadaama ay marin muhiim ah u tahay bulshada deegaanka.