Guddoomiye Cirro oo Safar ku Maray Bariga Afrika ilaa Bariga Somaliland

Hargeysa-(Dawan)-Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa safar ugu Ambabaxay Gobollada SOOL IYO SANAAG.

Weftiga Guddoomiye Cirro, ayaa Ujeeddadiisu tahay sidii ay dadka ku nool Deegannadaasi uu Wacyigalin Lahaayeen Qaadashada Kaadhka Codbixiyaha.

Guddoomiye Cirro, ayaa shalay ka soo laabtay socdaal uu ku tegay Jabuuti iyo Kenya, isaga oo ka hor safarkan soo maray Deegaanno badan oo ka tirsan Gobollada Sanaag Iyo Togdheer.