Guddoomiye Cirro oo Kulan La Yeeshay Xildhibaanada Cusub

HARGEYSA – (WARSOOR) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah Xildhibaannadii Xisbiga UCID uga soo baxay, Hargaysa, Gabilay Iyo Berbera ee Golayaasha Deegaanka.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd is barasho, waxaana loo ballamay wada shaqayn iyo midnimo.

Gudoomiyaha oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dardaaray mudanayaasha in ay ka fikiraan mustaqbalka oo ay ka shaqeeyaan wixii dan u ah dalka iyo dadka.

Kulankan ayaa waxaa ku sugnaa, Gudoomiye ku xigeenka sadexaad Mudane Siciid-ucid iyo qaar kamid ah masuuliyiinta iyo hogaanka Xisbiga UCID.