Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Si Balaadhan Loogu Soo Dhoweeyey Caasimadda Iyo Muuse Biixi Oo Uu Luuqad Adag Kula Hadlay

Hargeysa – (WARSOOR)- Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Ayaa Maanta Garoonka Diyaaraddaha Ee Caasimadda Hargeysa Si Weyn Ugu Soo Dhoweeyeen kumanaan Ka Mid Ah Jamaahiirta Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Oo Ka Kala Yimid Guud Ahaanba Degmooyinka Caasimadda Hargeysa.

Soo Dhoweynta Balaadhan Ee Lagu Qaabilay Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Waxa kale Qayb Weyn Ka Qaatay Hogaanka Sare Ee Xisbiga WADDANI Oo Uu Ugu Horeeyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md Xirsi Cali Xaaji Xasan Iyo Masuuliyiinta Heer Gobolka Ee Xisbiga WADDANI.

Markii Uu Soo degay Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Waxa Uu kumanaan kun Oo Ka Mid Ah Jamaahiirta Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Kula Hadlay barxadda Hore Ee Garoonka Diyaaraddaha Ee Caasimadda, Waxaanu Musharaxa Dr Cabdiraxmaan Cirro luuqad Adag Kula Hadlay Madaxweyne Biixi, Waxaanu Yidhi “Maalin dhawayd waxaad maqlayseen ururradu way iska furan yihiin, haddii doorashada la qaban waayo Madaxweyneyaashuna way isku furnaan doonaanโ€.

“Khilaaf laga soo waariday Madaxtooyadda, ayaa lagu soo dhex tuuray Golaha Wakiiladda, waxaan leeyahay Mudaneyaasha Golaha, oo aan u soo jeedinayaa in ay khilaafkooda ku xaliyaa fadhiyo xidhan” Ayuu Yidhi Murrashax Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

“Haddii qof wal oo suuqa jooga iska furanayo Urur siyaasaddeed, waxba kama horjoogaan qof kasta oo suuqa jooga in uu Madaxweyne-nimo sheegto, Sharciyaddii & dawladdnimadiiba gacanta Muuse Biixi ayey ku burburi-doontaa.

Waxaa mahadsan aqlabiyadda Jamaahiirta Shacbiga Somaliland oo maanta si dareen leh iigu soo dhaweeyey Hargeysa”. Siddaas Waxa Yidhi Musharaxa Jagadda Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) Oo Si Weyn Ugu Mahadceliyey kumanaan kun Ee Jamaahiirta Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Ugu Soo Dhoweeyey Madaarka Diyaaraddaha Caasimadda Hargeysa.