Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi Oo Wadda Hadalo Uga Bilowddeen Caasimadda

HARGEYSA – (WARSOOR) – Waxa Magaaladda Hargeysa Maanta Wadda hadallo Siyaasaddeed Uga bilaabmay Garab Siyaasiyiin Culus ah Oo Uu Hogaaminayo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Wadda Hadalkan Oo ka Dhacay hotel Ku Yaalla Magaaladda Hargeysa, Ayaa Ku Saabsan Siddii Xisbiga WADDANI u Soo dhoweyn Lahaa Siyaasiyiintan Uu Maxamuud Xaashi Cabdi Hogaaminayo, Isla-markaana Heshiis Rasmiya Ula gali lahaa ka hor intaanay ku biirin Xisbiga WADDANI.

Kulankan Ayaa Qayb Ka ah kulanno Hore Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Madaxweynihii Hore Ee JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Dhawaan Ku Dhexmaray Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Geesta kale Waxa ka Socday maalmihii u dambeeyey Magaalooyinka Hargeysa Iyo Burco kulanno Balaadhan Oo la Xidhiidhay Arrimo Badan ay Ka Mid Tahay Siyaasaddu, kuwaasoo ay Wadda Yeesheen Siyaasiyiinta, Waxgaradka, ganacsatadda Iyo Madaxdhaqmeedka Beelaha Habar Jeclo Iyo Garxajis.

Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Oo si dhow Ula Socota Wararka La Xidhiidha Wadda haddalladda Siyaasaddeed Ee u Dhexeeya Garabka Siyaasiyiinta Miisaanka Culus Leh Ee Uu Hogaaminayo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Xisbiga Mucaaridka Ah Ee WADDANI, Ayaa Sheegay in Dib Loo dhigi Doonno Muddo Laba Toddobaad ah Shir-weynaha Labaad Ee Xisbiga WADDANI Ee Lagu Wadday Inuu 30-ka Bisha 10-naad ka furmo HOTEL Maansoor Ee Magaaladda Hargeysa. Waxaana Labadda Dhinac Ay dhamaystirka Heshiis Ay Wadda gaadhaan u Magacaabi Doonaan guddiyo.

Sababta Dib u dhigista Shir-weynaha Labaad Ee Xisbiga WADDANI, Ayaa Ilo-wareedyo Lagu kalsoon Yahay, Kana Agdhow Xisbiga WADDANI u xaqiijiyeen Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Inay Tahay Dhamaystirka Heshiis Rasmiya Oo Xisbiga WADDANI La gaadhi doonno Maalmaha Soo Socda Garab Siyaasiyiinta Uu Hogaaminayo Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi, kaasoo la Filayo Inuu Noqdo mid u cuntama Taageerayaashiisa khusuusiga.

Wadda Hadalkan u Furmay Xisbiga WADDANI Iyo Siyaasiyiinta Uu Ka Mid Ka yahay Maxamuud Xaashi Cabdi, Ayaa Guud Ahaanba Si Weyn loo sugayey, Isla-markaana la saaddaalinayaa Inuu Noqdo Guul Weyn Oo Siyaasiya oo u hoyata Xisbiga WADDANI.

Tifaftire Khaddar Ali Khum
Qumannews.net.
Har/Office.

Isha Ku Hay Shabakedda Wararka Ee Qumannews.net Goor Kasta Iyo Goob Kasta Oo Aad Joogto Ama Ku Sugan Tahay.