Guddoomiyaha Ururka Sarifleyaasha Somaliland Oo Hambalyeeyey Guddida Xakameynta Sicir Bararka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha ururka sarifleyaasha Jamhuuriyadda Somaliland ee wada jir Barkhad Axmed Coofiye, ayaa u mahadceliyey guddida xakameynta sicir bararka Somaliland.

Wuxuuna guddoomiyaha oo u waramayey warbaahinta dawladdu uu bogaadiyey guddida uu madaxweynuhu u magaacaabay xakameynta iyo yareynta sicir bararka, oo uu sheegay in saddexdii sanno ee u dambeeyey ay wax weyn ka qabteen sicir bararka iyo kor u qaadida qiimaha shillinka Somaliand.

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha ururka sarifleyaasha Somaliland Barkhad Axmed Coofiye, uu tilmaamay in mas’uuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland ay door muuqda ka ciyaareen hirgelinta, dejinta iyo dabagalka go’aamada loo qorsheeyey in lagu yareeyo sicir bararka sarifka lacagaha, wuxuuna sheegay in qiimaha uu jaro Baanka dhexe uu ka hirgelay guud ahaan Somaliland kuna ammaanayaan guddoomiyaha Baanka qorshaha uu ku hagay kor u qaadida qiimaha shillinka Somaliland.

Waxa kale, oo uu guddoomiyaha sarifleyaashu xusay doorkii laxaadka lahaa ee ay shirkadaha isgaadhsiinta iyo ururka sarifleyaashu ka qaateen hirgelinta qorshayaasha lagu yareynayo sicir bararka korna loogu qaadayo qiimaha shillinka Somaliland, isaga oo intaas ku daray in ay garabtaagan yihiin go’aamada xukuumadda ee lagu xadidayo sicir bararka.