Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Ka Warbixiyey Dacwadihii Ay Qaadeen Sannadkii Tegay Ee 2020

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in sannadkii dhammaaday ee 2020 ay kordheen dacwdaha ay ka gar-naqeen guud ahaan maxkamadaha dalku, iyadoo badi ay sharci ku dhamaadeen dacwadahaasi.


Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland wuxuu korodhka dacwadaha soo galay maxkamadaha dalka ku sifeeyay kalsoonidii shacabkui ku qabeen garsoorka dalka oo korodhay, sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyay tirada dacwadaha soo galay maxkamadaha sannadkii tagay ee 2020, inta maxkamaduhu ka gar-naqeen ee dhammaatay iyo inta weli dawadoodu socoto