Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo qaabilay dhallinyaradii soo dhamaysatay barnaamijka shaqo qaran

Hargeysa – (warsoor) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL ayaa qaabilay dhallinyaradii soo dhamaysatay barnaamijka shaqo qaran, qaybtii dooratay in ay ka hawl-galaan maxkamadaha dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda JSL, garyaqaan Aadam Xaaji Cali oo ay wehelinayeen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadam Haybe, Agaasimaha guud ee shaqo-qaran Maxamed Xuseen Cisman (Mu’adinka) iyo masuuliyiin ka tirsan maxkamadda sare ayaa soo dhaweeyay dhallinyaradii soo dhamaysatay, barnaamijka shaqo qaran. Dhalliyaradaasi oo ay tiradoodu dhamayd 31 qof oo ka kala yimid lixda gobol ee waaweyn, ayaa si rasmi ah uga hawl-gali doona maxkamadaha kala duwan ee dalka.

Ugu horayn waxa madasha ka hadlay agaasimaha guud ee barnaamijka shaqo qaran, Maxamed Xuseen Cismaan, waxaanu xusay in dhallinyaradu aanay seegin ballan-qaadkii xukuumadda, ee ahaa in la hawl-galiyo, waxaanu da’yarta u soo jeediyay in ay ka soo baxaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, geesta kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan Haybe ayaa  soo dhaweeyay dhallinyarada dooratay in ay ka mid noqdaan hawl-wadeenada garsoorka, waxaanu ku booriyay in ay kaalin muuqata ka qaataan shaqada hay’adda garsoorka.

Sidoo kale qaar ka mid ah dhallinyaradii shaqo-qaran ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay kamid noqdaan Bahda garsoorka.

Gabagabadii guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali Axmed ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay dhallinyarada soo dhamaysatay barnaamijka shaqo-qaran ee ka hawl-galaya maxkamadaha dalka, waxaanu bogaadiyay masuuliyiintii hir-galisay barnaamijkan oo uu ugu horeeyo madaxeynaha JSL.