Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Jsl Ayaa Qaabilay Madaxa Bariga Iyo Badhtamaha Afrika, U Qaabilsan Ururka Caalamiga Ah Ee Interpeace

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed iyo Madax kale ayaa Maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay Madaxa Bariga Iyo Badhtamaha Afrika, U Qaabilsan Ururka Caalamiga Ah Ee Interpeace.

 War ka soo baxay maxkamadda sare ee Somaliland, soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed oo uu wehelinayay la taliyaha Maxkamadda Sare Dayib Muxumed Nuur ayaa shir la yeeshay madaxa Ururka caalamiga ah ee dhismaha nabadda (Interpeace) Mr. Theo Hollander oo ay wehelinayeen Muuna Ducaale, Axmed Cabdiraxmaan iyo Cabdicasiis Muuse.

Wada xaajoodkaas oo daarnaa sidii loo horumarin lahaa dhismaha nabada, xalinta khilaafaadka iyo xoojinta garsoor iyo cadaalad waarta ayaa lagu lafa-guray, sidii ururka Interpeace ugala shaqayn lahaa JSL arrimahaasi.

Mr. Theo Hollander ayaa Somaliland ku bogaadiyay horumarinta togan ee ay ka sameeyeen nabada, xalinta khilaafaadka iyo dedaalada ay ugu jiraan sidii ay xasilooni waarta uga abuuri lahaayeen mandaqada. Waxaanu balan-qaaday in ay xoojin doonaan wada shaqaynta ay la leeyihiin Somaliland.

Geesta kale guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, ayaa hoosta ka xariiqay in dunidu cashar ka baran karto Somaliland, marka la eego shirarkii dib-u-heshiisiinta kuwaasi oo sal-dhig u noqday helida nabad ay heshiis ku yihiin dhammaan muwaadiniinta dalku, waxa kale oo uu guddoomiyuhu tibaaxay sida gasroorka dalku u fidiyay adeegii garsoorka, kaasi oo suurtaligay in deegaanada ka fog magaalooyinka waaweyni helaan xuquuqohoodii aas-aasiga ahaa oo laga hirgaliyay maxkamado u adeega.

Halka maxkamadaha guur-guurana sannad walba dar-dar galin hor leh lagu sameeyo, si loo adkeeyo adeega garsoorka bulshaduna uga baaqato socdaal ay usoo gali lahaayeen magaalooyinka waaweyn.

Taasi oo dhabaha u xaadhay, sidii muwaadiniintu xaqooda ugu heli lahaayeen sifo nabdoon.