Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda iyo Wefti uu hoggaaminayo oo lagu qaabilay Itoobiya

Hargeysa-(WARSOOR):- Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dawladda Khaalid Jaamac Qodax iyo wefdi uu hoggaaminayo oo socdaal ku tegay dalka Itoobiya ayuu qaabilay Madaxwaynaha Jamacadda Shaqaalaha Dawladda Itoobiya ee ECSU Dr. Fikru Desalegn.

Guddoomiye Khaalid  oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Khaalid Mire Nuux iyo Agaasimaha Fulinta Machadka Shaqaalaha Dawladda Cumar Iid Qolombi ayaa kulankooda Itoobiya la sheegay in lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada dal ee arrimaha deeqaha waxbarasho, waxaanay uuga mahadceliyeen Guddoomiyah jamacadda ECSU deeqaha waxbarasho ee ay siiso shaqaalaha dawladda Somaliland.

Weftiga iyo madaxwaynaha jaamacaddu waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa loona kordhin lahaa deeqdaha waxbarasho ee jaamacaddu ina siiso tiradooda iyo in la soo kordhiyo deeqaha shahaadada heerka 3aad ee PHD.