Guddoomiyaha golaha Shacabka oo Muqdisho soo gaaray

Muqdisho – (WARSOOR) – Gudoomiyaha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Md. Maxaamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi  Xildhibaano ah oo uu hoggaaminaayo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Garowe ee Casimada Puntland, ayaa intii ay halkaasi ku sugnaayeen waxay ka qeyb galeen xuska markii la unkay maamulkaasi 1-da Agost 1998-dii.

Guddoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa intii uusan ka soo dhoofin Magaalada Garoowe waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo sagootiyay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdilaahi Deni iyo qaar ka mid ah golihiisa Wasiirrada.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.