Guddoomiyaha G/Shacabka Soomaaliya oo ka digay in kuraasta xildhibaanada loo wareejiyo Gobol aysan degin beeshii laheyd

Muqdisho – (warsoor)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo  ka hadlay doodii xeerka astaynta kuraasta,ayaa ka digay in kuraasta loo wareejinayo gobollada aysan deganeyn beeshii laheyd ay keeni karto in ay  lumaan kuraastaasi.

โ€œKuraasta waxaa loogu tala galay in dhamaan shacabka Soomaaliyeed ay u tartamaan, adiga waxaa laga yaabaa in kursiga inta aad qaado oo geyso meel aysan deganeyn bulshada iska leh kursigaas, adigana lagaa tira badan yahay,ay suurtogal tahay in lagaaga guuleystoโ€ ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa sheegay in ciladdaasi ay ku soo noqon doonto dadkii kursigaas iska lahaa, taasina ay u baahantahay in laga fekero inta aysan dhicin.

Guddoomiyaha oo si gaar ah ula hadlaayey xildhibaanada, ayaa ku baaqay kuraasta ay ku fadhiyaan xildhibaanada aan loo wareejin gobol aysan degin beeshiishii laheyd kursigaasi , isagoo uga digay in kursigaas uu marka dambe lumi doono.

Xigasho:Sonna