Guddoomiyaha Cusub Ee Baanka Dhexe Oo Ka Hadlay Xilka Loo Magacaabay Iyo Arrimaha U Qorshaysan

Hargeysa (WARSOOR) – Gudoomiyaha cusub ee baanka dhexe ee Somaliland Eng Cali Cabdilaahi Daahir oo shir jaraa id ku qabtay magaalada hargaysa ayaa u mahad celiyay madaxweynaha jsl   isagoo ugu mahad celiyay xilka uu u magacaabay ee gudoomiyaha baanka dhexe.

Gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Eng Cali Cabdilaahi Daahir waxa uu intaa ku daray in uu Ilaahay ka baryayo in u uku asturo xilka loo magacaabay, isagoo tilmaamay in xaalada baanku ay maanta meel aad u wanaagsan ay marayso isagoo ku amaanay gudoomiyihii hore sida uu u sugay qiimaha shilinka Somaliland iyo sicirka lacagaha qalaad.

Gudoomiyuhu waxa sidoo kale uu sheegay in heerka maanta baanku taaganyahay in uu ka sii amba qaadi doono isagoo rajeeyay in uu meel ka sii saraysa uu gaadhsiin doono mudada uu xafiiska joogo.