Guddoomiyaha Baanka Dhexe oo Munaasibad soo Dhawayn ah lagu Maamuusay ka dib Shir Caalami ah oo uu Guul ka soo Hooyay

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Dr  Cali Cabdilaahi Daahir, ayaa munaasibad soo dhawayn ah loogu qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka dib markii uu ka soo noqday Dalka Baxrayn oo uu kaga qayb galay shir caalami ah oo qaranka Somaliland iyo Hay’addaha maaliaydeed ee dal kaba guul usoo hooyay Baanka dhexe ee Somalilad na xubin buuxda uu ka soo noqday hay’adda caalamiga ah ee  AAOIFI. Oo ay xubno ka yihiin 46 dal oo Somaliland ka mid tahay.

Kulanka soo dhawaynta ah ee loo sameeyay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland Dr Cali Cabadilaahi Daahir,ayay ka soo qayb galeen masuliyiinta Baanka dhexe,madaxqaybeedyada kala duwan iyo Madaxda ururka baananka Somaliland.

Ugu horrayn waxaa kulanka  soo dhawaynta ah ka hadlay Mustafe Cabdi Jaamac oo ku hadlayay afka shaqaalaha Baanka dexe oo sheegay in Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland madaxdiisa kala duwan iyo dhaqaale waynihiisuba ku hambalyaynayaan guusha uu qaranka usoo hooyay guddoomiyaha Baanka dhexe iyo tallaabada uu qaaday oo ah mid dhanka aqoonsiga  kaalintii uu Baanka dhexe ku lahaa uu ka qaatay,waxaanu yidhi. “waa arrin farxad leh oo markii aynu maqalnay aynu ku faraxnay kuna faani karno waa tallaabo wayn oo aynu u qaadnay in aynu kaga mid noqono ay’adda caalamiga ah ee Maaliyadda waxaa kale oo la odhan karaa marka laga hadlayo aqoonsiga Somaliland kaalintii u Baanka dhexe kulahaa wuu qabtay oo wuu gutay waajibkiisii marka laga hadlayao hay’adda kala duwan ee dawladda iyo wax kasta xilka kasaaran dhanka shaqadeeda in ay caalamka kaga xidhanto,guddoomiyaha Baanka dhexe iyo hogaanka Baanka dhexe baa ad baan ugu hambalyaynaynaa tallaabada guusha ah ee ay soo hooyeen waana hawl wayn oo qarankuna ku faani karo Baanka dhexe ee Somaliland na u ah guul.”

Waxaa   kale oo munaasibadda soo dhawaynta ah ka hadlay Guddoomiiyaha  ururka baananka gaarka loo leeyahay Khaliif Cumar Nuur,waxaanu faah faahin ka bixiyay ka mid noqoshada Hay,adda AAOIFI. Ee Baanka dhexe ee Somaliland uu xubinta ka noqday taaso uu qaranka Somaliland iyo hayaddisiisa maaliaydeed ba u horseedaysa in ay caalamka ku xidhmaan.

Waxaanu yidhi.”Runtii farxad aan la koobi Karin ayay noo tahay  bahda maaliayeed tallaabada uu qiimaha leh ee uu qabtay hoggaanka cusub  ee sannadka hoggaaminayay  Baanka dhexe ee Somaliland,waa arrin qiimo badan waa arrin sharaf ah waa arrin loo baahan yahay in la hambalyeeyo.waxaan ogsoonnahay hay’adaha caalamiga ahi waxay keenaan aqoonsi dadban ka mid noqoshada aynu ka mid noqonay hay’adda AAOIFI. Oo ah hay’ad caalami ah oo ay  xubno ka yihiin 46 dal oo aynu noqonay dalkii 46 –aad ee xubin buuxda ka noqda waa guul waanan bogaadinayaan,waxaa la oghayay in Baanka dhexe Hay’addaha maaliyadeed ee dalka in uu ku hayo korjoogtayn iyo dabagal taxader adani ku jiro,waa loo baahan yahay in aynu  helno heer caalami,heer caalami marka aynu gaadhno ayaynu dunida wax la yeelan karnaa,heerka caalamiga ah ee dunida laga rabo marka aynu gaadhno ayaynu soo jiidan karnaa waa loo yaqaano maalgashida dibedda,markaa Guddoomiye waan kugu hambalyaynaynaa guusha aad soo hoysay hawl wayn ayaad qabatay haddaanu nahay ururka baanka Somaliland na waan kugu garab taannahaya.”

Guddoomiye u xigeenka Baanka dhexe ee Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Ismaaciil Xasan,ayaa isna si guud isu tul taagay dedaalada Baanka dhexe ugu jiro siduu aqoonsi caalami ah ugu heli lahaa’hay’adda maaliyadeed ee dalka.

Waxaanu yidhi. “ in aynu AAOIFI.

Ka mid noqono maanta waxay inoo tahay tallaabo wanaagsan oo lagu faani karo,anigu waxaan odhan karaa waa bar bilaw aynu xuquuq badan ku helayno waajibaadna wuu inna fuulayaa,Markaad eegto dalaka Geeska Afrika Somaliland ama hala aqoonsado ama Ayaan la aqoonsanaan e waa dalka keiya ee nidaamkiisu ku dhisan yahay shareecada Islaamka,wixii shareecada ka hor yimaadana aan loo aqoonsanayn sharci,markaa taasi waxay inoo abuuraysaa in aynu caalamka islaamka la xidhiidhno oo aynu nidhaahno kaalaya wax nala qabta,markaa haddii aynu adduunyadii muslmika la xidhanay waa guul waana wax aynu u baahnayn oo ah in aynu dhasanno oo Baanka dhexe kormeer kusameeyo oo xoolaha umaddu ay ilaashanaadaan.”

Ugu dambayn Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Dr Cali Cabdilaahi Ibraahin oo kulanka soo gunaanaday,ayaa ka hadlay safarka uu ku tegay dalka Baxrayn iyo shirkii caalamiga ahaa ee uu ka qayb galay.waxaanu yidhi. “Safarkii aanu ku tagnay dalka Baxrayn aniga iyo Guuleed ee aanu kaga qayb galnay shirkii 17-aad ee ay qabanaysay AAOIFI.,taasoo aynu u tagnay martiqaad rasmi ah oo aynu ka helnay hay’adda,shiraas oo ay soo wada qaban qaabiyeen hay’adda AAOIFI. Oo ah  Hay’ad caalami ah oo  ka shaqaysa kobcinta hay’addaha maaliyadeed eek u shaqeeya shareecada Islaamka iyo Baanka dhexe ee dalka Baxrayn iyo Baanka horumarinta Islaamka,saddexdaa hay’adood ayaa soo wada qaban qaabiyay waxaa ka soo qayb galay ergooyin gaadhaya shan boqol oo xubnood  oo ka kala socday hay’addaha maaliyadeed ama ha noqdaan Baanka dhexe ama baanka gaarka loo leeyahay ama shiradaha kale eek a shaqeeya hay’addaha maaliyadeed oo ka socday dalal badan, inta badan shirku waa sannad le laakiin nnaga waxaa inoo dheeraa sannadkan ayaynu xubin ka noqonaynay oo baanka dhexe ee Somaliland uu ka mid noqday xubnaha hay’adda AAOIFI.

Taasoo aynu isku mar  xubno ka waada mid noqonay Lubnaan,Suuriya iyo Falastiin waxaanad arkaysaa hayddaynu Somaliland nahay in dalal waawayn oo Carbeed oo qadiim ah in aynu isku mar ka wada mid noqonay.

Kollay xubinnimaduna dariiq dheer ayay soo martay oo muddo lix bilood ku dhaw ba way socotay Guuleed na hawshaa wuu ka shaqaynayay,shuruucdaada iyo xeerarkaaga ayay eegayaan qaabka aadu shaqayso ayay eegayaan markii ay nasoo waydiiyeen su’aalo badan oo anau ka jawaabnay ayay ku qanceen in Baanka dhexe ee Somaliland in uu fulinayo diyaarna u yahay oo uu maamulo dal ay hay’addihiisa maaliyadeed ay ku dhaqmaan shareecada Islaamka,waxay waliba iyaga u noqotay in ay si xamaasad leh in ay inoo qaabilaan,waayo dastuurkeena iyo xeerka Baanka dhexe ee aynu u dirnayba wuxuu ku aasaasan yahay shareecada Islaamka lamana ogola bananka ribawiga ah,in hay’addaha maaliyadeed ee Islaamiga ah aynu xidhiidh wada yeelano oo aynu xog is waydaarsi iyo dhanka horumarka in aynu iska kaashanaaba wax wayn ayay inoo taraysa.”

Waxaanu guddoomiye Dr Cali sheegay in dhanka taabatada Hay’adda AAOIFI. Ay u samayso hay’addaha maaliyadeed ee ay kobciso in Baanka dhexe ee Somaliland ay ku heshiiyeen in Hargeysa lagu qabto oo Baanka dhexe qabto.”