Guddoomiyaha Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Gaadhey Degmada Caynaba

CAYNABA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland ayaa gaadhey gobolka Saraar caasimaddiisa Caynaba,isaga oo shahaadooyin guddoonsiiyey maamuladda degmooyinka Caynaba iyo Oog.

Guddoomiye Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) ayaa tilmaamay in maamuladani ay yihiin kuwo si wanaagsan ula macaamila baanka dhexe ee Somaliland, isla markaana dakhligooda kusoo xereeya baanka dhexe ee Caynaba.

Munaasibadan shahaadooyinka lagu guddoonsiinaayey masuuliyiintan ayay kasoo qayb galeen maamulka gobolka Saraar oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Saraar, waxaana ugu horeyn halkaas ka hadlay Cabdilaahi Sheekh Aadan oo ah maamulaha Baanka degmada Caynaba,waxaanu faah faahin ka bixiyey shahaadooyinkan ay guddoonsiiyeen maamuladda degmooyinka Caynaba iyo Oog, isaga oo tilmaamay in ay degmooyinkani ay ka dheereeyeen degmooyinkii kale, isla markaana ay shaqo wadaag la noqdeen xarunta Baanka ee magaaladda Caynaba, sidaasna abaal marinta lagu siiyey.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xoghaha dawladda hoose ee degmada Caynaba Cumar Maxamuud Muuse, Maayir ku xigeenka degmada Caynaba Nuur Iidle Ducaale iyo maayirka degmadaasi Cabdinaasir Afrikaani, waxaanay masuuliyiintani ka mahadnaqeen shahaadada uu guddoonsiiyey guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyaga oo balan qaaday in ay gacan ka geysan doonaan wax kasta oo looga baahdo.

Ugu dambayna Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) iyo guddoomiyaha gobolka Saraar Md Maxamed Cismaan Xaaji Axmed  oo goobtaas ka hadlay ayaa si weyn u amaanay maamulada degmooyinka Caynaba iyo Oog oo ay sheegeen in ay si joogto ah dakhligooda ugu soo xereeyaan xarunta Baanka dhexe ee degmada Caynaba, iyaga oo sidoo kalena digniin u diray degmooyin ay sheegeen in aanay ilaa hadda dakhligooda kusoo xerayn baanka magaaladda Caynaba.