Guddoomiyah Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Weftin Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Ceerigaabo

Ceerigaabo – (warsoor) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro Iyo Weftin Uu Hoggaaminayo Oo Gaadhay Ceerigaabo, waxaanu mahadsan u jeediyey dadkii u codeeyey xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI xiligii u u tartamaayey madaxweynaha dalka.

Halkan ka daawo warankan:

Halkan ka akhriso khudbadii Cirro:

Halkan Ka AKhrista Khudbad Uu Guddoomiye Cirro Ujeediyey Bulshada Gobolka Sanaag

Mahadnaqa

Anniga iyo weftiga aan hoggaaminayaa waxaanu idiinkunimi maanta oo safarkayaga ay tahay ujeedadiisu hal wax oo ah in aanu shacbig SANAAG GUUD ahaan usoo mahad-naqno,oo uga mahadnaqno taageeradii ay Xisbiga WADDANI Siyeen xataa waxaanu u mahadnaqaynaa dhammaan shacbiga intii aan codka na siina waanu u mahadnaqaynaa , anniga shaqsiyan iyo Xisbiga WADDANI-ba gobolka Sanaag meel gaar ah ayuu nagaga yaalaa, gaar ahaana degmada Ceerigaabo,markii uu WADDANI ahaa ururka ee uu Xisbiga noqonayey waa degmadii koobaad ee uu lambar wanka’1 ‘galay ee uu Maayarka ku guuleysto, mee qaamkaasi marnaba isma badelin, berigii dhawaana ee doorashada Madaxwynaha lambar wan ‘1’ ayaad gasheen, dedaalkii iyo wacdarihii iyo shaqadii aad qabateen & wanaagii aad samayseen iyo Taageeradii nafta maalk iyo wakhtiga lahayd ee aad siiseen Xisbiga WADDANI baanu idiinka Mahad-naqaynaa, reer Sanaag guud ahaan gaar ahaana degmada Ceerigaabo marnaba qalbigayaga ka bixi mayso, waxaanu maantana idiinku nimi waa fariin intiina halkan joogta uun mahaa waa dhammaan shacabka ayaanu fariintaa u wadnaa meel kasta oo ay ka joogaan gobolka Sanaag, Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin.
Khayraadka Gobolka Sanaag.

Gobolka Sanaag sidaan idiin sheegay gobol meel gaar ah nagaga suntan weeye, haddii aanu nahay Xisbiga WADDANI, gobolkani waa gobolka ugu weyn gobolada Somaliland xaga juquraafi ahaanta, waana gobolka ugu khayraadka badan haddii ay xoolo noqoto,Beeyo noqoto,hadday Kaluun noqoto, haddii ay loox noqoto,iminkana dahab ayaad hesheen,dad islaama ayeynu nahay illaahay wuxuu yidhi marka aad nimcada aan idin siiyo ee aad ku shugri naqdaan waan idiin siyaadinayaa.

Xukuumadda Sida Ay Ugu Fashilantay Dagaal Beeleedka Ceel-afweyn Iyo Fariinta Nabadeed Ee Uu U Diray Beelaha Walaalaha Ah
Gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Ceel-afweyn waxa ka jirtay xasilooni darro labadii sano ee ugu dameeyey, Xukuumadihii KULMIYE tii hore iyo tan dambe inay nabadeeyaan wey ku guuldaraysteen, saaka waxaanu doonaynay in aanu la haddalno Ceel-afweyn , waxa nala yidhi dadka weli la iskuma keeni karoo meel iskuguma iman karayaan, waana ayaan darro intaas oo wakhti ah ayaa lagu bixiyey, Xukuumaddu haddii ay ka daacad tahay nabadu beri hore ayey Xidhmi lahayd, dhammaan shacbiga Gobolka gaar ahaan degmada Ceel-afweyn, fariinta aanu u wadnaa aanu gaadhsiinaynaa waxa weeye, in nabadu ay cid walba dan u tahay, waxa u tahay qof kasta waxay u tahay qoys kasta ,waxay u tahay waxbarashada caruurtiina, waxay u tahay wada socodka wada noolaashaha iyo walaaltinimada, waxay u tahay.

Waxaanu soo jeedinaynaa in colaada la iska daayo,oo nabada laga wada shaqeeyo oo jaarla la nabadeeyo oo lasoo celiyo walaalnimadii iyo wada noolaanshihii, aakhiradiina ayey dan u tahay oo aduunkiina ayey dan u tahay oo Somaliland ay dan u tahay oo gobolka ayey dan u tahay,in maalin walba halkan ay odayaal ka yaacaan dan idiin-ma aha, waxa dan idiin ah in aad idinku nabad aad ka shaqaysaan oo xidhaan haddii ay daan ka shaqayn idinku cid kale idiinma xidhi karto, xukuumadda idiin soo socotaa ma jirto, labadaa sanadood wey ku fashilantay sidii ay ugu fashilantay Sicir bararka.

Odayaasha Ka Yimi Sanaag Ee U Socday Madaxweyne Biixi Oo Lixdan Cisho Ku Xaniban Hargeysa

Odayaal reer Sanaag ah ayb joogaan Hargeysa Lixdan maal-mood oo ay doonayeen inay Madaxweynaha la kulmaan oo Madaxweynihii diiday oo ay la kulmaan wasiirka daakhiliga oo wasiirkii diiday, oo doonayey inay wasiiro kale oo gobolka kasoo jeeda ay la kulmaan ay deedeen, ninkii badhaasbka ahaa ee Ramaax ee Gabiley joogay qolo ganacsatada Wajaale kamid ah ayaa habeen u timi Madaxweynaha oo tidhi hana laga badelo, Saacad ayaa lagu badelay, odayaashaasina lixdan maal-mood ayey sugayaan oo wax-garad leh oo odayaal leh oo salaadiin leh,oo aqoonyahano leh, waxaanu leenahay Madaxweyne kuwaa aad saacad kaga aqbashay codsiga iyo kuwan-ba adiga ayaa Madaxweyne u ah, kuwani waxay waxaa ku mutaysteen adaa shacbiga u sheegi.

Qorshaha Xisbiga WADDANI Ee Somaliland Oo Loo Simanyahay.

Walaalayaa Somaliland waxaanu annagu doonaynay ka xisbi ahaan inay noqoto Somaliland loo siman-yahay oo dadku wada leeyahay,oo aanu kala lahayn ninka ku nool Tukaraq ama ka shishay-sa iyo ka Lowyacado jooga , ka Ceelaayo jooga,ka Berbera jooga, ka bulaxaar jooga , ka Ceerigaabo jooga iyo ka Boorama jooga.

Eexda Xukuumaddaha Kursiga Kala Dhax-lay Ee KULMIYE Iyo Kala Xigtaysiga Bulshada.
Xukuumadihii Kulmiye waxa looga bartay inay dadka u kala eexdaan,oo ay xataa dastuurka jebiyaan si ay ugu kala eexdaan,dastuurku wuxuu leeyahay ganacsiga Somaliland waxa weeye xor, in koota cid loogu xidhaana waa xaaraan,labada xukuumaddood-ba waxaynu ognahay inay waxyaabah qaarkood cid gaar ah u xidheen oo ay yidhaah-deen cid kale oo keeni kartaa ma jirto, waxa kamid ah xadhiga badda hoosteeda mara iyo ka dhulka maraba, waxaanu leenahay Madaxweyne distoorkana usoo noqo muwaadiniintana xaqooq-da siiman sii, waxaynu leenahay muwaadiniinta xaq siman sii oo qandaraasyada inta adiga kuu shaqaysa uun ha siin ee soo bandhig oo ummadu ha u tartanto oo ha loo sinaado, oo ka ceerigaabo joogaa qandaraaska timirta hasoo qorto, ka xafiiska Madaxweynah joooga yaanla siinin.

Tallo Ku Socota Madaxweyne Biixi + Looma Baahna Jeegaan Iyo Waxa Kale Shacbiga Sin

Go’aankii doorashada weynu aqbalnay,waxaynu u tudhnay Qaranka waxaynu u tudhnay Camuuda, waxaynu u tudhnay shacbig maanta Madaxweyne Muuse ayaa inoo ah, Laakin Muuse waxa loog baahan yahay cadallad iyo sinaan in uu dalka ku hogaamiyo,looma baahna in uu kala qoqob ku hogaamiyo ,oo inina magac la baxdo jeegaan iyo wax la mid ah inta kalena layska ilaawo ,uma baahnin maanta, waxaanu leenahay hadii aanu kaaga hadhnay madaxweynaha shacbiga sin oo kii ku doortay iyo kii aan ku dooranba sin oo ka waddani lagu tuhmo shaqada ha ka eryin ,waxaan kusoo arkay laascanood 30 sodon qof oo shaqadii lagaga eryey waxad tihiin Waddani

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.