Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacbiga Soomaaliya oo Kulan La Yeeshay Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 24/11/2022 Xarunta Guddiyadda ee Villa- Hargeysa kulan kula yeeshay Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka.

Kulanka waxaa shir guddoomiyeey Gudoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Maxamed Faarax Nuux.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa warbixin kooban oo la xiriirta warbixinta Guud ee Sannad laha ah ee uu sameeyey Xafiiska hanti dhawraha guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Sanadkii hore ee 2021.

Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka ayaa uga warbixiyey guddiga warbixin baariseedka Maaliyadeed, sharci iyo maamulba ee Dowladda federaalka Soomaaliya 2021.

Xubnaha Guddiga Ayaa suโ€™aalo la xiiriira Warbixinta weydiiyey Hanti-dhowraha Qaranka Mudane Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo teamkii la socdayba.

Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa uga mahadceliyay Xafiiska Hanti-dhawraha guud ee Qaranka xogta ay ka siiyeen warbixintooda Sanadka 2021.