Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo maanta ka shiray kala Hormarinta Ajendayaasha Kalfadhiga Afaraad

Muqdisho –  (warsoor)- Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda 41-aad ku yeeshay Xarunta golaha shacabka ee magaaladda Muqdisho.

Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey,  Waxaana goobjoog ahaa guddoomiye ku-xiggeenka labaad ee mudane Mahad Cabdalla Cawad iyo xoghayaha guud ee golaha shacabka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi Buux.

Kulanka intiisa badan ayaa waxaa looga hadlay shaqooyinkii horyaalla golaha shacabka iyo siddii loo hormarin lahaa, waxaana Xubnaha guddiga ay soo bandhigeen talooyinkooda ku aadan sida loo wajahi karo howlaha culus ee horyaalla Golaha Shacabka iyo kala hormarintooda.

Xubnaha guddiga joogtada ah ayaa isku raacay in si dardar leh loo shaqeeyo, maadaama waqtiga uu yar yahay shaqadana ay badan tahay.

Sidoo kale waxay ka doodeen sida loo kala hormarin karo shuruucda hadda hortaalla Golaha Shacabka, kuwaasi oo heerar kala duwan maraya sida hindise sharciyeedayada Xukuumadda ay soo gudbisay oo aan weli golaha shacabka la horgeyn iyo hindise sharciyeedyo maray akhrinta koowaad iyo labaad.

Guddoomiye ku-xiggeenka koowaad ee Golaha Shacabka mudane C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey ayaa sheegay in kalfadhigaan shaqooyin badan la doonayo in la qabto, isaggoo Xildhibaanada kula dardaarmay inay usoo diyaar garoobaan gudashada masuuliyada saaran.

“Mudanayaal waad ogtihiin howlo badan ayaa na horyaalla kalfadhigaan oo ay ugu horeeyaan miisaaniyadda, anisxinta hindise sharciyeedyada muhiimka u ah dalka iyo dib u eegista dastuurka”. ayuu yiri guddoomiye Muudeey.

Ugu dambeyn kulanka ayaa waxa lagu soo bandhigay Jadwalka uu Golaha Shacabka ku shaqeyn doono kalfadhiga 4-aad.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.