Guddiga Isku-xirka Maraykanka iyo Afrika oo lagu dhowaaqay

JIGJIGA – (WARSOOR) – Magaalada Washington ee caasimadda dalka Maraykanka ayaa looga dhawaaqay Guddiga isku-xirka siyaasadda Maraykanka iyo Afrika, kaasi oo ka shaqeyn doona horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa labada dhinac.

Kooxdan ayaa waxaa aas-aastay xildhibaan Ilhan Omar, oo ah qofkii u horreeyey ee ku dhashay qaaradda Afrika ee xubin ka noqda Congaress-ka Mareykanka.