Guddiga hirgalinta dorashooyinka Gobolada Waqooyi oo ku dhawaaqay inay bilaabayaan Doorashada xubnaha Golaha Shacabka

Muqdisho – (WARAOOR) – Guddiga hirgalinta dorashooyinka Gobolada Waqooyi ayaa maanta shaaciyey in maalmaha soo socda la qaban doono doorashada 9 kursi, oo ka mid ah kuraasta Aqalka Golaha Shacabka.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay in kuraasida ku xigta doorashadooda la shaacin donana iyana sida ugu dhaqsaha badan.

Doorashadda Kuraasta aqalka Sare ayaa shalay la soo dhamaystiray guud ahaan Dalka oo dhan iyadoo talaabada maanta la qaadayna tahay mid muujinaysa hore u socodka Guddo galka hawlaha doorashooyinka Dalka.