Guddiga Amniga Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Boliska

MUQDISH – (WARSOOR) – Guddiga arrimaha gudaha, amniga iyo maamulada gobolada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah xarunta Villa Hargeysa kula kulmay wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga Xildhibaan C/naasir Saciid Muuse iyo Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Xijaar.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa isxogwareysi ku saabsan xaalada amni ee dalka, waxaana wasaarada amniga iyo Taliska Booliiska ay guddiga la wadaageen warbixin ku saabsan Amniga Qaranka iyo horumarada laga gaaray.