Guddida Qaban-qaabada Munaasibadda Qaran ee 18-ka May oo Bulshada Baaq u Dirtay

Hargeysa – (warsoor) – Guddida qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May, ayaa caawa baaq u diray guud ahaan bulshada reer Somaliland, waxana ay ugu baaqeen inay si hagar la’aan ah uga qayb qaataan isu soo baxyada maalinta berri ah loo ballansan yahay.

Guddida oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddidaas, ahna wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ay hareero joogaan xubnaha kale ee guddida oo caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay inay isku duubni iyo feejignaan ku xusaan maalinta qaran ee 18ka May oo maalinta berri ah ku beegan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiyaha guddida guddidan, ayaa shacabka ugu baaqay inay cudud iyo farxad ku muujiyaan isu soo baxooda, kana dheeraadaan wax kasta oo ammaanka qaranka iyo nabadgelyadaba waxyeello ku keeni kara.

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed waxa bulshada ku adkeeyey inay tixgelin gaar ah siiyaan nabadgelyada, ciidamada ammaankana si dhaw ula shaqeeyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Berri waa 18ka May, Dhammaan dalka waa laga dabbaal-degayaa, shicibkana waxan leeyahay si fiican u dabbaaldega, isu soo bax wanaagsanna sameeya, nabadgelyada ilaaliya, ciidamada amniga nooc kasta oo ay yihiinna la shaqeeya, dadka nabadgelyo-darrada wada ee ka xun Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyadeeda iyo taabbo-galkeena halla iska jiro.”

Wasiirku waxa uu sidoo kale shacabka ugu baaqay inay il gaar ah ku eegaan wax kasta oo halis gelin kara nabadda iyo amniga, wada-shaqaynna la sameeyaan ciidamada kala duwan ee qaranka oo maalintaas heegan culus geli doona.– 


Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.