Guddida Kala Reebista Murashaxiinta WADDANI oo Shaaciyey Qabashada Araajida Murashaxiinta Madaxweyne iyo Ku Xigeen ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Guddida kala reebista iyo qabashada Araajida Murashaxiinta u tartamaysa jagooyinka Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee Xisbiga WADDANI, ayaa maanta ku dhawaaqay in ay billaabayaan qabashada Araajida Murashaxiinta Madaxweyne iyo ku Xigeen ee ka dhex-tamaysa shirweynaha golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo la filaayo in uu qabsoomo 19ka bishan aynu ku jirno ee October.

uur-cadde

Xoghayaha guud ee Xisbiga Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo ka mid ah guddidaas, ayaa sidan u sheegay qaar ka mid ah Warbaahinta oo uu maanta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu ku war-galiyey Murashaxiinta tartamaysa in wakhtiga qabashada Araajida Murashaxnimo ay ku eeg tahay berito 5ta-galabnimo 09/10/2016ka.

 “Xisbiga WADDANI, waxa uu doonayaa in uu maanta halkan ka iclaamiyo guddidii kala reebista murashaxiinta oo rabta in ay halkan umadda uga sheegto in la soo gebo-gabeeyey oo muddo laga soo shaqeynaayey hawlaha murashaxiinta imikana ay taagan tahay xilligii qabashada hawlaha Araajida ee ay keeni lahaayeen Murashaxiinta u tartamaysa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga WADDANI. Waxaana aanu u sheegaynaa oo aanu oggeysiinaynaa dhammaan ciddii u tartamaysa murashaxa Madaxweynaha iyo ciddii u tarmaysa Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka in berito 09/10/2016ka ay keenaan Araajiddooda Murashaxnimo, halkanna ay ka qaataan, wixii shuruudo ah ee Xisbigu ugu daraayey oo ay Xafiiska yimaadaan, waxaana aan ku war-gelinaynaa Murashaxiinta in qabashada Araajidu ay xidhmayso beri 5ta-galabnimo, iyaga oo aanu u rajeynayno in ay sida ugu dhakhsiyaha badan ay arrintaas u qabtaan.”.Ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.

Halkan Ka Daawo warkaas:

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa/Somaliland

This post is also available in: Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share via
Copy link
Powered by Social Snap