Guddida Ka Soo kabashada Abaaraha oo Shaqaalaha Rayidka ah, ugu baaqay inay ka qayb qaataan qaadhaan ururinta

Hargaysa – (warsoor) – Guddida ka soo kabashada Abaaraha ayaa baaq u diray shaqaalaha rayidka ah, ee dalka ka hawl gala, iyaga oo ugu baaqay inay dhankooda ka qayb qaataan qaadhaan ururinta loo samaynayo dadkii ay abaaruhu waxyeeleeyeen ee dedaalka loogu jiro sidii ay uga soo kaban lahaayeen.

Masuuliyiin ka mid ah Guddida oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada ayaa shaqaalaha rayidka ah iyo kuwa dawlada  ugu baaqay inay dhankooda ka qayb qaataan qaadhaanka, iyada oo masuuliyiinta shirka jaraa’id qabatayna ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada Somaliland Farxaan Adaan Haybe, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye, Wasiir Dawlaha Ganacsiga Maxamuud Warsame Jaamac  iyo Mustafe Axmed Xasan  oo ah Madaxa isku xidhka Barnaamijyada ee ururka NAGAAD.

Wasiirka duulista iyo hawada Somaliland Farxaan Aadan Haybe oo ka hadlay baaqooda waxa uu ku aadan yahay ayaa waxa uu yidhi “Baaqayagu waxa uu ku aadan yahay oo kaliya shaqaalaha rayidka ah, kuwaasi oo aanu leenahay ka qayb qaata qaadhaankaa loo ururinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen, waxa kale oo aanu halkan baaq uga diraynaa shaqaalaha hay’addaha caalamiga ah ee Somaliland ka hawl gala oo aanu leenahay horana kaalin mug leh ayaad uga qaadateen maantana waxa la idiinka baahan yahay inaad ka qayb qaadataan.

Wasiiru dawlaha ganacsiga Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac  oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaanu ka codsanaynaa inay shaqaalaha rayidka ah ka qayb qaataan oo ay ka faa’iidaystaan waana sadaqatul jaariya”.

Mustafe Axmed Xasan oo ka mid ah Masuuliyiinta ururka Nagaad, isla markaana xubin ka ah guddida ka soo kabashada abaaraha oo isna halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha guddida iyo waxyaabaha ay ka hanweyn yihiin inay wax ka qabtaan, waxaanu yidhi “Guddidu waxa ay diyaarisay qorshe aad u balaadhan oo la doonayo inaynu ku taakulayno dadkii abaaruhu saameeyeen, sidoo kalena aynu kaga gaashaamano inay abaar dambe ay sidan oo kale inoo halakayso, qorshahaasi waxa uu ka kooban yahay Lix qaybood, waxaanu Maxsuulka 1-aad yahay in dib loo celiyo labaatan kun oo qoys oo ku barokacay abaartii, Maxsuulka labaadna waa in Toban kun oo qoys la xooleeyo, toban kun oo kalena lacag ayey qaadanayaan, markaa labaatan kun oo qoys ayaa, Maxsuulka sadexaad waxa uu yahay in 25 ceel oo dhaadheer iyo labaatan dhaam oo waaweyn laga sameeyo meelaha baahiyaha biyuhu ku badan yihiin, maxsuulka afraad waxa weeyi in laba iyo toban seere oo waaweyn la xidho si xooluhu ay ugu baxsadaan wakhtiga jiilaalka, maxsuulka lixaad waxa weeyi in sideetan kun oo geed laga beero wadanka, waanu bilaabmay waanu socdaa”.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Cabdilaahi Obsiiye  oo isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “Fariintayada halkan aanu maanta ka diraynaa waxa weeyi fariin ku wajahan shaqaalaha rayidka ah waxaananu ku boorinaynaa inay ka qayb qaataan sadaqa jaariyadaasi oo ay qaadhaanka ka qayb qaataan”.

Wasiirka Shaqadu waxa kaloo uu halkaasi ka sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka jari doonaan shaqaalaha Dawlada qaadhaanka dhankooda.

Halkan ka daawo:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.