Guddida Ka Soo Kabashada Abaaraha Oo Meesha Ka Saaray In La Lunsday Lacagtii Qaadhaanka Ahayd

Hargeysa – (warsoor) – Xubnaha guddida ka soo kabashada Abaaraha JSL ayaa maanta 05.11.2017, shir balaadhan ooa y ku qabteen xarunta Madaxtooyada kaga war bixiyey qaadhaankii ay gudidaasi ururisay.

Guddida aya sidoo kalena meesha ka saaray eedo ka soo yeedhay xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani UU Sheegayey in la lunsday lacagtii qaadhaanka ahayn ee loo ururiyey in logu looxeeyo dadkii ay abaartu tabaalaysay.

Xubanaha guddida oo uu hoggaaaminayey guddoomiyaha guddidaasi ahna Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena bulshada u soo bandhigay xadiga lacagta ay qabteen, wixii kharasha baxay, inta ay hayaan, sidoo kalena shaaciyey in lacagtaasi la hayo la joojiyey in mashaariic lagu fuliyo ilaayo laga gudbayo wakhtiga kala guurka,.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdilaahi Axmed oo  oo guddidaasi ka mid ah ayaa shirkaasi jaraa’id ka hadlay waxaanu yidhi “ saaka waxaanu isugu nimid oo halkan saxaafadda aanu ku wargalinaynaa, mudaddii guddida ka soo kabashada abuuruhu ay hawsha gacanta ku haysay oo ka soo bilaabantay 18 May, mudadaas oo laga joogo lix bilood, waxa ay saaka guddidu diyaar u tahay hadalo badan  iyo warar badan oo suuqa galay dartiis, iyo iyada oo ay waajib ku tahay inay cadayso guddidu hawshii iyo dhaqalaahii ay haysaba xaalkiisa iyo halkuu marayo.”

Sheekh Maxamed Cali Geeddi oo ka mid ah guddidaasi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ ku talagalku wuxuu ahaa in toban Milyan oo doolar la soo ururiyo si mashruucaas loogu fuliyo, waa la kala qaybiyey o laba qaybood ayaa loo kala qaybiyey, lacag todoba milyan ahi waxa ay ahayd kutala-galku in aynu gudaha ka soo ururino, sadex milyana waxay ahayd inay dibadda ka timaado, oo dad wax inoogu balanqaaday inay ka timaado ayey ahayd, habeenkii 18 May, ee Madaxweynuhu furay, waatii la yaboohiyey,  waxa lagu yaboohay lacag ahayd Sadex milyan boqol iyo afar kun laba boqol iyo la iyo toban doolar ( $ 3,104,212), yaboohdii maxa aka dambaayey?  Markaanu dadkii dhexgalnay lacagtii yaboohda lacagtii ka soo xerootay waxa ay noqotay Milyan laba boqol iyo sadex iyo todobaatan laba boqol iyo la iyo konton ( $ 1, 273,252), Lacagtaas waxa kharas ku baxay boqol iyo afar iyo todobaatan kun boqol iyo sideed iyo sideetan ($174,188), kharashkaasi wuxuu u badnaa Tiifiiyadii la isticimaalay, ee faraha badnaa, ee qaadhaanka laga yaboohinayey, Tiifiiyadu waxay qaateen ilaa lacag ku dhawo konton kun oo doolar, waxa kale oo jirtay lacag ku baxday raashin badan oo imika dekeda yaala oo imaaraadku inoo keenay, ayaa waxa ku baxay kharash ah ilaa koobyo afartan ku oo doolar, oo aanu halkan ka bixinay, sideed iyo toban kun ayey waxa ku baxeen kharashkii habeenkii 18 May, lacagtaas kharashaaka ah marka laysku geeyo waxay noqonaysaa boqol iyo afar iyo todobaantan kun, lacagtii soo ururtayna waxay ahayd Milyan laba boqol iyo sadex iyo todobaatan laba boqol iyo la iyo konton, marka intaa la kala jaro waxa soo hadhay Milyan iyo sagaal iyo sagaashan kun iyo afar iyo lixdan doolar ($1, 099,064.)  lacagtaasi waa inta aanu imika hayno ee xaasilka ah.”

Sheekh Maxamed Cali Geeddi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Lacagtaa sida loo isticimaalyo iyo sida loo kharash garanayno guddi ahaan mar walba waxa ay ahayd in aanu u wada dhammaano,  wixii tallo ah waanu wada wadaaganay, hasayeeshee ka saariska lacag Madaxweynuhuna kama saari karayn, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud-na kama saari karayn, afar qof ayaa saxeexa lahaa in ay lacagtaa ka saari karaan, afarta qof kaliya maahee, marka lacag la saarayo in sadex qof ay wada sexeexaan ayey ahayd, sidaas waxaanu u samnay si loo ilaaliyo lacagtaas soo ururaysa, qoftaa qof waxa ugu horeeyey Sheekh Cabdiraxmaan Axmed, Maxmed Shugri Gudoomiyaha rugta ganacsiga, iyo Dr, Axmed Buuxane, iyo Inanta Ismahaan Cabdisalaan, afartaa ayuubaa lacag saari karayey, qof kalena ma jirin.”

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Mudane, Maxmed Shugri ayaa isaguna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi “ Guddidan Madaxweynuhu ha magacaabo laakiin waxaannu ahayn guddi hawlgalkeedu uu ka madax banaan yahay Xukuumadda, oo sideed au taagan go’aamadeedna leh, qaabka aanu raacaynayna waxa ay ahayd wixii la bixinayo in guddidu u dhammaato oo go’aan guddi uu ku baxo, ministka shirka uu ku qormo, marka ay go’aan noqoto ee la ansixiyo, oo kaliya ayuu sharci noqonayey in go’aankaas waxa lagu bixiyo oo Acounka lacag laga saaro, waxaan ka mid ahaa afartii qof ee guddidu u xilsaartay in go’aankaasi marka uu soo baxo inay fuliyaan oo jeega saxeexaan oo lacagta ay bixiyaan, sidaa arkaysaa, afartadyadu waxaanu ka soo jeednay shicibka, waxa la illaalinayey hantidaa, waxa la doonayey in arrintaasi ay noqoto wax cad oo aan laysku tuhmin, sidaa awadeed suuro-gal ma ahayn in cidi ay hantidaas si khaldan u adeegsato”.

Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Markaa mar labaad ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland  ka fekeray dadkaa caydhoobay ee la soo doojiyey sidii loo dejin lahaa, mashruuca labaad ee ka soo kabashadu taas ayuu salka ku hayey, in la dejiyo, wixii la xoolayn karo la xooleeyo, beero dib loogu qodo, baliyo iyo seerayaal loo sameeyo, lix najiito mashruuc ka kooban ayuu ahaa, aragti wanaagsan ayey ahayd, waxaan qiraya inuu ahaa hal abuur hoggaamiye ruug cadaa ahi uu ummaddiisa u hor seeday, waxaan qirayaa in guddigii aan odayga u ahaa ee masuuliyadaa loo igmaday in aanu iska xil saarnay mashruucaas, waxa kale oo aannu cadaynaynaa in mashruucaas ku talo-galkiiisii  iyo sidii aanu u qorshaynay in aanu u midho dhalin. Hal abuurkii ayaannu la nimid, waanu dadaalnay, bulshadii ayaannu u jeedinay yabooh, dad faro badan ayaa yaboohay oo balanqaad sameeyey, lacagtii sidii la doonayey sidii ay sheegeen gudoomiyaha rugta gacansiga Maxamed Shugri iyo Sheekh Maxamed Cali Geeddi,  lacagtii may soo hoyan aqlabiyadeedii, waxa soo hoyday qayb ka mid ah, lacagtaa soo hoyatay, waxa loo maamulay si wanaagsan oo cadaalad leh, waxaannu maqlaynay maalmahan Ole-olaha doorashadu dabayaaqada tahay hadalo badan oo rag waaweyn ka soo yeedhaya, oo masuuliyiin ka ah xisbiyada qaranka, kuwaas oo leh lacagtaa waa la lunsaday, waa la isticimaalay, Kaanbayn ayaa xisbiga KULMIYE uu u adeegsaday, xaashaa li Laah, waxaannu leenahay beenaale markhaatigiisa ayuu fogeeyaa, waa kuwaas xubnihii guddida ahaa waa dad ehluhu sharaf ah, maaha dad caqligooda iyo cadaalada la iibsan karo ama la xaduuri karo, bulshada Somaliland waa taqaanaa.”

Mudane Xaashi ayaa intaasi ku daray “ Sida aannu u maamulnay iyo sida aanu u qaabaynayna waa kuwaa cadeeyey markaa beri ayaannu ka nahay, eedahaa naloo soo jeediyey, waxaannu bulshada u cadaynaynaa in aanu u maamulnay sidii ugu wanaagsanayd, waxaannu u cadaynayaa in aanay annaga waxba gacantayada ku jirin, waxa umadda laga soo ururiyo, waxayaga gaarka ah, cashuuraha rag kala yaqaan ayaannu nahay oo aanay iska khaldamin, waxanu leenahay beentu raad ma le, beentu lug kaliya ayey leedahay marka la qabtana way kuftaa, malaha iyo tuhunkuna maaha wax xaqiiqo ah, ragaas waaweyna inay wax iska hubsadaan ayey ahayd.”

Xubanaha guddidaasi ka soo kabashada Abaaraha ayaa ugu dambantii sheegay in lacagta ay hada ayaan aanay loo isticimaali doonin guud ahaan wax mashruuc ah isla markaana la hakiyey , ilaayo wakhtiga kala guurka ee doorashada, marka Xukuumad cusbi ay dhalata lacagtaasi loo isticmaali doono mashaariicdii loogu talo galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.