Guddida Joogtada ee Golaha Wakiiladda oo Kalsoonidii Kala Noqday Guddoomiyaha UCID

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddidda joogtada ah ee golalaha wakiiladda Somaliland ayaa sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID.

Guddida oo maanta shir ay yeesheen ka dib go’aano ay soo saareen, waxay go’aan ku gaadheen in ay kalsoonidii kala noqdeen.

Guddida ayaa Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ku eedeeyey inuu khatar ku hayey amniga qaranka, kuna kacay ficilo colaad hor leh ka dhex kicinaya deegaano hoos yimaada goboladda Sool iyo Sanaag.