Guddida Joogtada Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Kormeer Indho Indhayn Ah Ku Tagay Xarunta Cisbitaalka Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddida joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer indho indheyn ah ku tagtay Xarunta Cisbitaalka Guud ee magalada Hargeysa.

Waxaana ay kulan la qaateen Guddida Joogtadu Agaasimaha Cisbitaalka guud ee caasimadda  Hargeysa, kulankaasoo ay warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa markii uu u soo dhammaaday waxa warbaahinta uga warbixiyey Agaasimaha cisbitaalka guud Magaalada Hargeysa Dr-Axmed Cumar Askar, oo sheegay in xaaladda Cisbitaalku ay imika meel fiican marayso, isagoo xusay in guddida joogtada ee golaha guurtidu ay ugu yimaadeen si ay u ogaadaan adeegyada ka socda cisbitaalka.

Agaasimaha cisbitaalku waxa uu intaas ku daray in tobankii sanno ee ugu dambeeyay ay tayaynayay isla markaana ay kor u qaadeen adeegyada bulshada ee ay qabtaan.

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ee Golaha Guurtida Somaliland Dayib Xasan Axmed ayaa uga mahadceliyay agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa Mr. Askar warbixinta uu ka siiyay xaaladda guud ee cisbitaalka, waxaana ay xuseen in macluumaadkaasi ay u gudbin doonaan gole weynaha golaha Guurtida.

Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida ayaa soo indho indheeyay qaybaha uu ka kooban yahay cisbitaalka guud ee Hargeysi, iyagoo qol qol u galay qaybaha waadhadhka ee cisbitaalka.