Guddida Joogta Golaha Guurtida Somaliland Oo Kulan Xogwaraysi Ah La Yeeshay Mas’uuliyiinta Haya’dda Barakacayaasha Iyo Qaxoontiga

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida joogta Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan xogwareysi ah la yeeshay masuuliyiinta Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka C/kariim Axmed Maxamed (xinif) oo gudida joogtada golaha guurtida Somaliland uga warbixinaayey dadka ku barakacay abaarihii dalka soo maray iyo dadka qaxoontiga iyo magangelyo-doonka ah eek u sugan dalka Somaliland.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxa uu warbixintiisa ku sheegay in ay wadanka ku sugan yihiin soddon ilaa afartan kun oo ajaanib ah, iyadoo dadkaasi ay hoos yimaadaan wasarada arrimaha gudaha Somaliland iyo ciidanka laanta socdaalka, halka uu sidoo kalena sheegay in dadka dalka u yimaada magangelyada siyaasiga ah uu ogolaansha siiyo Madaxweynaha Somaliland.

Gabogabadii gudoomiyaha guddida joogtada golaha guurtida Somaliland xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa ku bogaadiyey masuuliyiinta hay-addaasi sida ay u soo ajiibeen dalabkii gudida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland, iyadoo gudoomiyuhu balan qaaday in waxyaabihii ay ka wado hadleen ay u gudbin doonaan gole weynaha Guurtida.