Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, oo La Kulmay Sahal Technology

Hargeisa – (WARSOOR) – Guddida Ilaalinta iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada, waxay kulan la yeesheen Sahal Technology oo gacanta ku haysa system lagu maamulo kastamada iyo cashuuraha Barriga ee Dakhliga soo xareeya.

U jeedada kulan oo ahayd xogogaal u noqoshada shaqada dhabta ah ee sahal technology ka qabata xarumaha dakhli soo saarka ee dalka.

Guddidu waxay warbixin ka dhagaystay masuuliyiinta maamula Shirkada Sahal technology, iyaddoo Guddidu dhagaystay warbixintooda iyo shaqada rasmiga ah ee u qabtaan Wasaarada maaliyadda, iga oo xusay inay gacanta ku hayaan habka (system) lagu maamulo xumaha dakhli soo saarka dalka.


Waxay Guddida u sheegeen inay maamulaan habka lagu shaqeeyo ee 14 kastam oo dalka ah, kuwaas oo ka caawiya cashuur bixiyayaasha entry form cashuurta, sidoo kalena waxay xuseen in ay system badan oo dalku uu leeyahay ay gacanta ku hayaan, kuwaas oo xasaasi ah, isla markaana sheegay in Wasaaradaha iyo Hay’adda Madax-bannaan ee dawlada qaarkood ay heshiisyo kula galeen.
Intii kulankan lagu guddo jiray waxay Guddidu waysiisay su’aalo ku saabsan heshiiska iyo sida ay u shaqaeeyaan, haddii ay yihiin shirkada la kiraystay ama ay ka iibiyeen Wasaarada maaliyadda system lagu shaqeeyo, sababta ay kastamada qaarkood uga qaadaan lacagta entry form ee cashuur bixiyaha loo sameeyo.
Ugu dambeyn waxa la isla qaatay in wixii looga baahdo ay diyaar noqdaa, iyaddoo Guddiduna warbixintan la wadaagi doonaan Golaha weynaha ka dib marka ay fasaxa ka soo noqdaan.