Guddida Gurmadka abaaraha heer qaran oo Bulshada usoo Bandhigay sidii ay u maamuleen wixii gacantooda soo galay, Qorsheyaashoodana sharraxay

Hargeysa – (WARSOOR) – Guddida gurmadka abaaraha heer qaran oo uu hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta bulshada la wadaagay waxyaabihii u qabsoomay muddadii ay shaqaynayeen, qorsheyaaashooda mustaqbalka, sida ay guddi ahaan u nidaamiyeen qaadhaankii gacantooda soo galay iyo hannaanka daaha furan ee ay guddidu shacabka abaartu taabatay u gaadhsiisay biyaha iyo raashinka.

Shir-saxaafadeed ballaadhan oo ay maanta guddidu ku qabteen xarunta qasriga madaxtooyada, ayey si gun iyo baar ah shacabka ugu sharraxeen wixii u qabsoomay, gurmadka ay ka geysteen dadka abaartu taabatay, iyaga oo sidoo kalena bayaamiyey inay dardargelinayaan hawsha baaxadda leh ee dadka iyo duunyada abaartu taabatay u hayaan.

Guddoomiyaha hay’adda u diyaargarowga Aafooyinka iyo keydka raashinka qaranka, ahna xoghayaha guddida gurmadka abaaraha, Mudane Faysal Cali Sheekh oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday waxyaahihii ay guddidu qabatay muddadii ay safarka shaqo ku joogeen gobollada Daad-madheedh, Togdheer, Buuhoodle, Saraar, Sool, Xaysimo, Badhan iyo Sanaag, waxana uu sheegay inay gobolladaas gaadhsiiyeen kaalmo biyo ah oo ay ku baxday lacag dhan $500,000 (shan boqol) oo kun oo lagu dhaamiyey biyo dhan 14370 lowdh, lana hawlgeliyey 50 ceel biyood, 14,600 oo qoys oo gobollada bariga ku dhaqanna loo qaybiyey raashin, iyada oo la caafimaadiyey Shan milyan oo neef.
Sheekh Cabdilaahi Barbaraawi oo katirsan culimada xubnaha ka ah guddida gurmadka abaaraha, ayaa isaguna ku baaqay in bulshadu gacmaha isu wada qabsato sidii ay ugu midoobi lahaayeen caawinta iyo gacan siinta dadka iyo duunyada abaarta ku tabaaloobay.
Guddoomiyaha rugta ganacsiga, Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Jamaal Caydiid, ayaa sheegay iyaga oo kaashanaya guddida ganacsatada iyo culimada, ayaa bixin doonaan dhammaanba qaadhaankii ay ganacsato ahaan ballan qaadeen inay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaarta, islamarkaana ay xil weyn iska saari doonaan sidii bulshada abaaraysan u gaadhsiin lahaayeen biyo iyo baad.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku-simaha madaxweynaha, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo kulanka lagaga warbixinayey waxqabadka iyo qorsheyaasha guddida ka hadlay, ayaa sharraxay qorsheyaasha ay ka leeyihiin gobollada galbeedka iyo badhtamaha dalka, isaga oo xusay in culayskii sii kordhayo, islamarkaana ay guddi ahaan gobollada Maroodi-jeex,Hawd, Saaxil, Awdal iyo Selel gaadhsiiyeen 1300 oo lowdh oo biyo ah, waxana uu ganacsatada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay inay ka qaybqaataan gurmadka abaarta.

Ugu dambayntii xubnaha guddida heer qaran ee gurmadka abaaraha, ayaa si furan uga jawaabay su’aalo shaqadooda la xidhiidha oo ay weydiiyeen weriyeyaashii kulanka kasoo qaybgalay, waxana ay caddeeyeen inay guddi ahaan hab cad oo xisaab-xidh leh u maamuleen wixii dhaqaale ahaa ee gacantooda soo galay.