Guddida Dhaqaalaha Ganacsiga Iyo Maaliyada Ee Golaha Wakiillada Oo Kulan Dadweyne U Qabtay Qabyo-Qoraalka Xeerka Shirkadaha Caymiska

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida dhaqaalaha Ganacsiga iyo Maaliyada ee Golaha Wakiillada JSL ayaa kulan Dadweyne u qabtay qabyo-qoraalka Xeerka Shirkadaha Caymiska.

Kulankan dadweyne oo socon doona 2 maalmood ayaa waxa ka soo qayb galay oo xubnaha guddida ku wehelinayay, Wasiirka Wasaaradda Jidadka iyo Gaadiidka, Madaxda Hay’adda Caymiska, shirkadaha bixiya adeega Caymiska, Shirkadaha iyo iskaashatada lagu fulinayo Caymiska, Jaamacadaha dalka, aqoonyahan madax banaan iyo shirkado adeegyada sharciga bixiya.

Kulankan Dadweyne ayaa waxa furay gudoomiyaha gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Muuse Cabdilaahi (Cagoweyne) oo ka soo qayb galayaasha u soo jeediyey inay Xeerka wax ku soo kordhiyaan si firfircoona uga qayb qaataan isagoo tilmaamay ka gole masuuliyadaha golaha wakiillada ay ka mid tahay in dadkii soo doortay ay kala tashaadaan xeerarka ay dalka u soo saarayaan.

Gudoomiyaha Hay’adda Caymiska qaranka Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa isaguna ka warbixiyey heerar kala duwan oo uu xeerkani soo maray iyo sida ay u soo saxar tireen, isagoo sheegay inuu soo dhawaynayo kulankana oo uu uu waxtar iyo faaiido xeerka u yahay shaqada hay’addaasi qaranka u hayso, waxaanuu bogaadiyay wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaas iyo golaha wakiillada, gaar ahaan  gudiyada ay isku shaqada yihiin.

Ugu dambayn wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Cabdirisaaq (Atash) ayaa u mahadnaqay gudidan golaha wakiillada, isagoo sheegay inay maanta lagama maarmaan dalka u tahay in adeegyada Caymisku ay hirgalaan, isagoo xusay in aan  lagu sii socon karin caymis la’aan.

Wasiir Cabdirisaaq (Atash) waxa kale oo uu sheegay inay qaban doonaan kulan gaar u ah shirkada Caymiska bixiya, isla markaana ay hubin doonaan in aanay shirkadahan caymisku noqonin wax iska Ganacsi ah ee ay shirkado adag oo adeegaas bixin kara ay yihiin.