Ceel-afweyn – (warsoor) – Guddi Dhawaan loo xil-saaray in heshiisiiyaan labada beelood ee walaalaha ee shaqaaqaddu ku dhex martay deegaanka Bacaha ee deegaanka Ceel-afweyn ayaa maanta qabtay shir jaraa’id oo ay kaga waramayaa wixii u qabsoomay iyo baaq ay u direen labada beelood ee xurguftu dhex martay.
Guddidan madax-dhaqameedka ayaa ugu baaqay in labadda beelood ay joojiyaan colaad iskuguna yimaadaan gogol nabadeed oo loogu taliyo inta nool. Madax-dhaqameedkan ayaa sidoo kale dalbaday inay lagala qayb-qaato wax ka qabashadda colaadan ka dhex taagan labadan beelood ee walaalaha ah.
Halkan ka daawo baaqa madax-dhaqameedka oo aanu ka soo xigay channelka Marwaan Sulub:
This post is also available in:
Somali