Guddi Hoosaadka Golaha Wakiilada ee Dabagalka iyo Ilaalinta Hantida Qaranka oo kormeeraya Gobolka Sool

Laas-caanood – (WARSOOR) – Guddi Hoosaadka Golaha Wakiilada ee Dabagalka iyo ilaalinta Hantida Qaranka, ayaa safar uga bilaamay Gobolka Sool.

U jeedada safarkooda ayaa daaran soo kormeerida mashaariicdii horumarineed ee laga fuliyay Gobolada iyo Degmooyinka Dalka

Mashaariic-daas ayaa ku jiray xisaab Xidhkii sanadka 2020.

Guddida ayaa Kormeerkan ku mari doonta dhammaan Gobolada Somaliland .

Sidoo kale Guddida ayaa inta aanay gaadhin magaalada Laascaanood sii maray Magaalada #Yagoori oo ay shalay ka furantay gogol nabadeed oo lagu heshiisiineyey Laba Beelood oo wallaalo ah , isla markaana kulamo la sii qaatey wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL.