Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Qabyo-Qoraalka Xeerka Doorashooyinka Qaranka Iyo Diiwaan-Gelinta Cod-Bixiyaha Oo Ay Qodobbo Muhiim Ahi Ku Lammaan Yihiin

Hargeysa – (warsoor) – Kal-fadhigii Afar iyo tobnaad (14-aad) ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Qabyo-qoraalka xeerka doorashooyinka qaranka iyo Diiwaangelinta Cod-bixiyaha oo ay dood dheer iyo falan-qayn ka yeesheen.

Xeerkan oo ka kooban xeerarkii doorashoyinka madaxtooyada, goleyaasha wakiillada & deegaanka iyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha,  ayaa kuraas qoondo ah looga sameeyey Haweenka iyo beelaha Gabooye, waxaana soo diyaariyey   komishanka doorashooyinka qaranka, iyada oo  ururrada bulshada rayidka ah, axsaabta qaranka iyo xafiiska garyaqaanka guudna ay kala qayb-qaateen.

Xeerkan oo kal-fadhigii hore ee golaha wasiirrada lagu qaybiyey, falan-qayn iyo dood dheer kaddib, golaha wasiirradu waxa ay Haweenka iyo beelaha Gabooye ugu qoondeeyeen kuraas qoondo ah oo ay ku yeelan doonaan, kaddib kaabis iyo wax-ka-beddel ay xeerka  ku sameeyeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hor intii aanay xubnaha golaha wasiirradu codka u qaadin xeerkan qabyo-qoraalka ah, waxa uu si hufan u sharraxay qodobbo muhiim ah oo xeerkani xambaarsan yahay, kuwaas oo faa’iido ballaadhan u leh haweenka iyo beelaha Gabooye, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Xukuumad ahaan xeerkan laba qodob baynu ku darnay, kuwaas oo kala ah in Haweenka loo qoondeeyo kuraasi Baarlamaanka kamid ah iyo beelaha Gabooye in iyagana wax loo qoondeeyo. Haweenka waxaynu isla garanay inay yihiin 50% (Boqolkiiba konton), mujtamaca Somaliland, xaqna u leeyihiin inay talada qaranka wax ka helaan, markii aanu dhinac walba waxka eegnay ee aanu eegnay ballamihii xisbiga ee ahaa in dumarka la siiyo Kooto, wuxuu go’aankii noqday oo loo batay in dumarka golaha wakiillada laga siiyo 18-xubnood, iyada oo lixda gobol-doorasho gobol walba uu xisbi kastaaba u qoondaynayo saddex haween ah tartanka doorashada, si ay  haweenku hawshaas u galaanna iyagu gudahooda ayey ku tartami doonaan, gobol walbana saddexda ugu sarreeya, ayaa soo gelaya Baarlamaanka.”

Isaga oo si gaar ah u sharraxay qoondada uu xeerkani u qorsheeyey beelaha Gabooye, “Dhinaca beelaha Gabooye waxa aanu u qoondaynay in saddexda xisbi-qaran uu mid waliba beelaha Gabooye u qoondeeyo hal kursi oo mid dumar yahay, gabadhaasina waxa ay ku tirsanaan doontaa 18-kii haweenka, KULMIYE, tiisu waa ka go’aan, xisbiyada kalena waa soo jeedin heer qaran ah uun,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale golaha wasiirradu waxa uu go’aamiyey in mashaariicda horumarineed ee miisaaniyadda qaranka ee sanadka 2018-ka bilaha july ilaa iyo December laga jaro 5%(Boqolkiiba shan) lagu kabayo xaaladda difaaca qaranka, isla markaana mushaharka madaxweynaha laga gooyo 20%(boqolkiiba labaatan), halka mushaharka madaxweyne-ku-xigeenkana laga jari doono 15%()Boqolkiiba shan iyo toban), iyada oo  xubnaha golaha wasiirradana laga jari doono 10%(Boqolkiiba toban).

Sidoo kale, shirka golaha wasiirradu waxa uu  hambalyo iyo bogaadin u diray geesiyaasha ciidanka qaranka ee sugidda xuduudaha iyo difaaca qaranka u dabran.

Ugu dambayntii xubnaha golaha wasiirrada, ayaa si aqlabiyad ah gacanta ugu taagay xeerkan iyo qodobbada qoondada ah ee ku lammaan, waxaana uu madaxweynuhu  xubnaha golaha wasiirrada ku bogaadiyey sida ay iskaga xil-saareen inuu xeerkani ka baxo gacanta xukuumadda.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.