Golaha Wasiiradda Somaliland Oo Dood Ka Yeeshay Diyaar Garowga Doorashooyinka

Hargeysa – (WARSOOR) – Geesta kale golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay Dood Ka Yeeshay u Diyaar Garowga Doorashooyinka iyo qodobo kale.

War ka soo baxay xafiiska af-hayeenka madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:- Fadhigii 69aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo warbiximo lagaga dhegeystay qaar ka mida wasaaraddaha, lagagana dooday arrimaha diyaar garawga doorashooyinka.

Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda waxbarashada dalka, isagoo xusay in wasaaraddu ku hawlan tahay kor u qaadida waxbarashada dalka iyadoo fulinaysa siyaasada xukuumadda ee ah in waxbarashada tayadeeda iyo gaadhsiinta goob walba la hirgeliyo.

Wuxuu goluhu dood ka yeeshay diyaar garowga doorashooyinka dalka ku soo fool leh, madaama ay xukuumadda ka goโ€™an tahay qabsoomida doorashooyinku, waxaana goluhu goโ€™aamiyey innaan la ogolayn in shaqaalaha dawladda iyo ciidamadu iyagoo ku gudda jira shaqadii qaranka inay muujiyaan astaamaha iyo dhaq-dhaqaaqa ololaha musharaxnimo ee hankooda tartanka doorashooyinka, balse cidii danaynaysa inay ka qayb-galaan doorashooyinka waa inay banneeyaan shaqooyinka ay qaranka ka hayaan.Ugu danbayn wuxuu madaxweynuhu golaha ku adkeeyey inay dardar-geliyaan mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda sannadka cusub.