Golaha Wasiiradda K/Galbeed oo ka shiray qodobo dhowr ah

Kismaanyo – (WARSOOR) – Shirka Golaha Wasiiradda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta qabsoomay, iyadoo looga hadlay arrimo dhowr ah oo horyaalla golaha Wasiirada Maamul Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

Shirkaasi oo uu ka soo qeybgalay Madaxweyne Cabdi Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen waxaa lagu soo qaaday dardargalinta howlaha kala duwan ee horyaalla maamulkaasi,gaar ahaan waxqabadka Dowlad Goboleedka iyo xoojinta arimaha bulshada.

Shirkaasi waxaa lagu dhaariyay xubno cusub oo  ka mid noqonaya Golaha Wasiirada,kuwaas oo horay uu u  magacaabay Madaxweynaha maamulkaas.