Golaha wasiirada Soomaaliya oo Ansixiyey miisaaniyad Sanadeedka 2020

Muqdisho – (WARSOOR) –  Kal-fadhigii golaha wasiiradda dawladda federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu anixiyey miisaanisad sanaddeedkii ugu badnaa ee la horkeeno Golaha wasiiradda Soomaaliya.

Miisaaniyadda dawladda federaalka ee la ansixiyey ayaa lagu sheegay inay dhan tahay $459.5 Milyan. Korodhka miisaaniyadda ku yimid 2020 ayaa inteeda badan loo qoondeeyey mushahar kordhin loo sameeyey ciidamada, miisaaniyadda ayaa la sheegay in askari kastaa heli doono mushar dhan $200 bilkasta.

Ra’iisul Wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo shir gudoominaayey fadhiga golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa ka hadlay kordhinta mushaharka ciidamadda waxaanu yidhi,  “Waxa ay naga astaahilaan naguna leeyihiin intaas ka badan. Waxaan u soo jeesannay inaan ciidankeenna kadib shaqadii dheerayd ee dib-u-habaynta inaan tayadooda dhaqaale wax ka qabanno, waa sannadkii ugu horreeyay waa billo la sii wadi doonaa”, sidaasi waxaa yidhi, Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in miisaaniyadda 2020 ay ku sifaysan tahay hiigsiga iyo horumarka dalka, ayna muujineyso dowlad hanaqaaday oo ahmiyaddeedu tahay ammaano iyo adeeg marka dalka deynta laga cafiyana ay sii kordhi doonto oo Balaayiin la gaarsiin doono.

Miisaaniyaddan ah ayaa tii ugu badneyd ee dalka laga ansixiyey wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Miisaaniyaddu dowladdu waxa ay kor u kacday 274% tan iyo markii ay xukuumuaddan talada la wareegtay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.