Golaha Wakiillada Somaliland Oo Loo Qaybiyey Xeerar Xukuumadda Ka Soo Gudbay

Hargeysa – (warsoor) – Munadanayaasha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland Ayaa Loo Qaybiyey Saddex Xeer Oo Ay Xukuumaddu U Soo Gudbisay.

Fadhigan ay yeesheen xildhibaannada golaha wakiillada Somaliland oo uu shir gudoominayey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golahaasi mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa mudanayaasha golaha wakiillada loogu qaybiyey saddex xeer oo kala ah, xeerka Aagga ganacsiga cashuuraha ka caagan, xeerka diwaangelinta shirkadaha ganacsiga Aagga cashuuraha ka caagan iyo xeerka hay’adaha Dekedaha Somaliland.

Sidoo kale, xoghayaha guud ee golaha wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mudanayaasha ka hor akhriyey lifaaqa xeerarkan ee tilmaamaya muhiimada ay xeerarkaasi qaranka u leeyihiin, waxaana mudanayaasha laga codsaday in ay soo akhristaan si doodooda loo gudo galo xeerarkaas xukuumadda ka soo gudbay.